Muxuu yahay xafiiska ay la wareegtay Taalibaan ee aadka loogu dhalleecaynayo?

0
talibaan

Guddiga madaxa bannaan ee Afghanistan u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa sheegay inay istaageen hawlihiisa tan iyo markii ay Taliban xukunka la wareegtay bishii hore.

War qoraal ah oo uu soo saaray guddiga ayaa lagu sheegay in xafiisyadiisa, gawaarida iyo qalabkii uu ku shaqeynayay ay dhammaan gacanta u galeen Taliban. Ururka ayaan weli ka jawaabin eedeyntaas.

Guddiga ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in dumarka u shaqeeya aan loo oggolaan doonin inay hawlahooda gutaan, maadaama uu ururka Taliban u muuqdo mid xadidaya in dowrka haweenka ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Taliban aysan ilaalin xuquuqda asaasiga ah, ayna beegsato dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Guddiga ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in uusan awoodin baaritaan ku aaddan eedeymaha ah in tacaddiyo laga geystay Kandahar iyo dooxada Panjshir, deegaannadaas oo ay xooggaga Taliban kala kulmeen iska caabin xooggan.

Warka ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay samayso guddi madax bannaan oo dusha kala socda xaaladda xuquuqda aadanaha ee Afghanistan.

Taliban ayaan weli ka hadlin eedeymaha uga yimid guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul insaanka Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here