Muxuu yahay xiriirka ka dhexeeya akhriska iyo caafimaadka maskaxda?

akhris

Dhammaanteen waan ognahay waxa ay ka dhigan tahay ku talax-tegidda akhrinta buug fiican, balse aqoontu ma kobcin kartaa caafimaadka maskaxdaada? Khubarradan ayaa ku doodaya in buugaagtu ay kobciyaan maskaxda oo loo adeegsan karo in qof lagu daaweeyo, waxayna soo jeedinayaan talooyinkan oo wax ka tari kara dejinta naftaada…

Waxay ku illowsiinayaan walwalka

Young man relaxing and reading a book at the top of a rocky cliff, on holiday in Thailand.
Buugga saxda ah wuxuu kaa caawinayaa inuu awood ku siiyo oo uu jawigaaga soo celiyo

Inaad doorato nooca buugga saxda ah wuxuu ku siin karaa awood iyo inaad dunida ka aragtid dhanka wanaagsan.

Haddii Ella Berthoud oo ka mid ah dadka wax ku daaweeya buugaaga ay iska soo hor baxaan, aan dhahno, Theresa May, raysal wasaarihii hore ee Britain ee caqabadaha la kulantay… maxay kula talin lahayd inay akhriso?

Berthoud – oo ah qoraa dadka kula talisa akhrinta buugaagra ayaa tiri: “Waxay ku bilaabi kartaa buugga qoraaga reer Mareykan ee Hubert Selby Jr ee sanadkii 1978 kaasoo lagu magacaabo Requiem for a Dream.”

Buuggu wuxuu ka hadlayaa afar qof oo la daalaa dhacaya qaabab kala duwan oo la qabsiga daroogada ah, markii dambe waxaa laga dhigay filin, waxaan filayaa inay wax ka kororsan doonto,” ayay tiri Berthoud.

“Farriinta uu guud ahaan dirayo buugga waa in la isku dayo lagu dhegganaado shuruucda aad dejisatay. Waxaan rajeynayaa inay akhrin doonto ayna wax badan ka faa`iidi doonto.”

Ka baxsasho

A man reads to a group of children in a Palestinian garden
Adduunka waad ku safri kartaa adigoo aan xitaa ka dhex bixin gurigaaga

Sidee ayay buugaagtu u dheellitiri karaan nafta? Hagaag,”waxaa intaasoo dhan dheer, in buugaagta mala awaalka ah ay sababi karaan nooc ka baxsasho ah kaasoo ka awood badan nooc kastoo fan ah.”

“Filim ama barnaamij ka baxaya TV-ga,” ayay tiri Berthoud, “waxaa lagu tusay muuqaalka, halka buugga aad adiga gacanta ku hayso, sidaas daraaddeed waa marxalad awood leh, sababtoo ah adigaa ku lug leh.”

Alex Wheatle, oo ah qoraa caan ah oo noloshiisii hore ay adkeyd, taas kuma raacsana Berthoud: wuxuu arkay buugga uu qoray Mark Twain ee Huckleberry Finn xilli uu ku noolaa guri carruur lagu hayay oo ku yaallay koofurta London.

Wuxuu sheegay in akhrinta buuggaas iyo isla xilligaas inay saameyn wanaagsan ku yeelatay isaga.

“Guriga carruurta wuxuu ahaa mid dhib badan, sidaas daraaddeed Huckleberry Finn wuxuu ahaa meel aan kaga baxsan karo caqabadaha aan maalin walba wajahayay.”

“Ugu yaraan, imow 9 ama 9.30pm, waan is qarin jiray anigoo toosh yar sita waxaana akhrin jiray bogagga buugga, bal malee waxaan dhex sabbeynayay webiga Mississippi, waxaana gaari jiray go`aannadeyda ku saabsan xilligaan wax cunayo iyo xilligaan nasanayo.”

Inaad noloshaada habeyso

A worried-looking young woman reading a yellow-covered book.
Marka ay maskaxdaada dhib ku jirto, hannaanka buugga wuxuu isku duwi karaa waxyaabaha aad ku fekereyso

Habka ay isugu xiran yihiin sheekooyinka buugaaga, ayaa wax weyn ka beddeli kara maskax isku dhex daadsan.

Iftiin ayaad ka dhex arkeysaa mugdiga

Two British soldiers relaxing outside their tent. One of them is reading a book.
Xitaa haddii uu dhib ku haysto, waxaad dhiirrigelin ka heleysaa sheekooyinka dadka kale

Qoraaga Wheatle wuxuu soo xusuustay, markii uu yaraa, aabbihiis ayaa uga sheekeyn jiray sheekooyinkii carruurnimadiisii markii uu ku sugnaa Jamaica, marka “qofka sheekeynaya uu xaafadaha wareegayo, gaar ahaan xilliga dalaggu soo go`o, ayna soo weriyaan sheekooyinka ku saabsan addoonsiga.”

“Sheekooyinkaas waxay ahaayeen kuwo murugo leh, haddana waxay sidoo kale xaqiijineysaa halganka ay dadku soo mareen,” ayuu yiri.

Waad ku raaxeysaneysaa inaad dib u akhriso

From left to right: Ella Berthoud, Jessie Burton, and Alex Wheatle
Ella Berthoud (bidix), iyo qoraaga caanka ah Jessie Burton iyo Alex Wheatle waxay jecel yihiin dib u akhrinta

Inaad dib u akhriso buugaaga aad jeceshahay waxay sidoo kale ku siineysaa xasilooni gaar ah.

Berthoud ayaa sheegtay inay xiriir dheer la leedahay buugga uu qoray Thomas Hardy ee Tess of the D’Urbervilles.

“Markii ugu horreysay ee aan akhriyo, waxaan ahaa 15-sano-jir, xaqiiqdii waan fahmay Tess; markii labaad, 10 sano kaddib, waxaan ka xumaaday sida ay wax walba isaga oggolaan jirtay inay dhacaan iyadoo aan tallaabo ka qaadin – haddana waxaan dib u akhriyay 10 sano kaddib waxaana bilaabay inaan fahmo qaar ka mid ah go`aannadeeda,” ayay tiri.

Waxay caawiyaan maskaxda da`yarta

A young woman intently reading a book
Waxaa kuu soo baxaysa, inaysan keligaa ahayn – da`yarta waxay jecel yihiin inay wax ka maqlaan qoraaga aan ka xishoon waxyaabaha xasaasiga ah

Marka laga hadlayo akhristayaasha da`da yar, buugaagtu waxay door muhiim ah ka qaadan karaan wax ka qabashadaha dhibaatooyinka maskaxeed ee da`yarta.

Waxaa haatan jira da`yar badan oo wax qora, kuwaasoo ka hadla arrimaha ay wajahayaan, taasina waxay caawin kartaa dhalinyarada si ay ula tacaalaan xaaladaha ay maalin walba wajahaan, ee ay ka midka yihiin tacaddiyada iyo daroogada.

Qoraalku sidoo kale ma u wanaagsan yahay nafta?

Surreal concept image: a young woman writing, suspended in mid-air, typing on a flying typewriter. There are pages on the floor and floating in the air around her.
Habka qoraalka wuxuu caawin karaa maskaxda

Iyadoo la rumeysan yahay in akhrisku uu faa`iido u leeyahay maskaxda, bal ka warran qoraalka?

Wheatle iyo Burton waxay qireen in nolosha qoraaga ay noqon karto mid ay ku dheehan tahay maskax caafimaad qabta.

Wuxuu qoraagu faaruqinayaa maskaxdiisa isagoo iska bixinaya wixii uu qalbiga ku hayay.

Inkastoo sida ay Burton qabto ay dhanka kale wax qoristu noqon karto mid qofka go`doomisa, maaddaama uu qofku toddobaadyo, bilooyin ama sanado uu keli ahaanayo si uu wax u qoro.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here