Netanyahu: Waxaan baddaleynaa khariiradda Bariga Dhexe

netanyahu2

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu sheegay in xiriirka ay la yeesheen saddexda dal ee carabta ah inay soo afjartay xayiraaddii ka dhanka aheyd Israa’iil si haatan loo helo duulimaad wakhti gaaban qaata oo raqiis ah.

“Waxaan baddaleynaa khariiradda Bariga Dhexe” ayuu yiri Netanyahu oo tilmaan ka bixinayay khariirad sharraxeysa hawada ay maraan duulimaadyada.

Wuxuu sheegay in duulimaadyada mara hawada Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraartka ay dan ugu jirto rakaabka ku wajahan Hindiya iyo dalal kale ee Aasiya maadama horraan ay bixin jireen kharsha badan iyo wakhti badan oo hawada lagu sii jiri jiray.

Israa’iil waxay bishii lasoo dhaaftay heshiis nabadeed la gashay Imaaraatka iyo Baxreyn, Jimcihiina madaxweyne Trump wuxuu shaaciyay heshiis ay wada gaareen Israa’iil iyo Suudaan.

Kaddib heshiiska ay la galeen Suudaan, Netanyahu wuxuu sheegay in heshiiskan ay dan ugu jirto Israa’iil.

“Haatan waxaan u duuleynaa dalalka Galbeedka anaga oo sii mareyno hawada Suudaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.

Netanyahu wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in wafti ka socda Israa’iil ay tegi doonaan Suudaan si loo dhameystiro heshiiska.

Hogaamiyeyaasha Suudaan ayaa ku kala aragti duwanaa in hor loo sii wado hanaanka heshiiska ku saabsan in dib loo soo celiyo xiriirka Israa’iil iyo Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here