Nimco Happy: Ninkeyga ayaa i fahansiiyay sidaan heestayda caanka nooqtay uga faa’iideysan karo

nimco happy

Fannaanadda Nimco Happy oo toddodobaadyadii ugu dambeeyay qabsatay warbaahinta caalamka iyo kuwa Soomaalidaba ka dib markii hees ay qaadday oo la yirahdo Isii Nafta ay aad ugu baahday baraha bulshada gaar ahaan TikTok ayaa waxa ay wareysi siisay BBC-da.

Heestaan ayaa waxaa sidoo kale aad u isticmaalay dadka ajaanibta ah ee Isticmaalaha barta TikTok iyadoona dhanka kale la sheegay in xitaa laga daaray maqaayado lagu caweeyo oo caalami ah.

Nimco Happy oo wareysi siisay BBC-da ayaa sheegtay in Abwaan Cadirashiid Caaqilka uu erayada heesta leeyahay ayna sannadkii 2017-kii qaadday iyadoo ay Ciid soo galeyso.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa ii yeeray abtigay Maxamed Cabdullaahi diiriye (Bulshaadi) oo ah ninka tumay heesta, Cabdimudalib, ninka laxamiista ah iyo ninka heesta iska leh Cabitrashiid Caqiilka, waxayna ii dhiibeen heesta oo ahayd hees jacayl ah anigana waan ka helay.

Nimco ayaa sheegtay in ku dhawaaqista heesta aysan wax caqabad ah ka qabsan maaddaamaa ay heesta ay ku jireen afar luuqadood oo kala duwan.

Nimco oo shakeyneysa sida ay ku soo gaaratay heestii afar sannadood ka hor ay qaadday in haatan ay adduunka qabsato ayaa tiri: “Anigoo gurigeyga fadhiyo waxaa la i tusay muuqaal wiil YouTuber ah oo dhahaya heestaan waxa ay noqotay heesta ugu daawashada badan.”

Kadibna “waxaa tusay seeygeyga oo aan ku iri ila fiiri waxaan, wuxuuna igu jawaabay heestan waa tagtay, waxaan ku iri maya aniga waxaan ma garanyo, waxayna ila tahay arrin iska caadi ah. Haddana maalin labaad ayuu ii yimid seeygeyga oo igu yiri ‘heestan ma aragtaa way tagtay’ marka waxay igu noqotay wax la yaab leh oo riyo riyo camal ah.”

“Markaa wixii ka dambeeyay xitaa aniga waxay ila ahayd wax iska caadi ah balse seeyga ayaa isku dayay inuu wax badan iga dhaadhiciyo isagoo igu yiri ‘waxaan sugeynaa in lagu soo dalbado,’ waxa uu i fahansiiyay in dad isoo dalbanayaan, shirkado imaan doonaan”.

Tan iyo markii ay si lama filaan ah cirka isugu shareertay heesta lagu naaneyso “I Love You More Than My Life” waxaa isasoo tarayay sheekooyinka ku saabsan sida loo xiisaynayo heestaas oo ka kooban dhowr luqadood oo kala ah Soomaali, Carabi, Ingiriis iyo Sawaaxili.

Waxaa la sheegay in Nimco Happy ay xiriirro badan lasoo sameeyeen shirkado waaweyn oo caalami ah, oo ay ka mid tahay Polydor Records.

Maxay Tahay Polydor Records?

Shirkadda Polydor Records oo fahnnaaniinta iyo heesaha diiwaan galisa ayaa la xiriirtay Nimco Happy, sida ay tabiyeen qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah, sida Buzzfeed News.

Polydor Records Ltd. waa shirkad laga leeyahay waddamada Jarmalka iyo Ingiriiska oo qayb ka mid shaqadeeda ay tahay howlaha la xiriira muusiga caalamiga ah. Waxay xiriir la leedahay shirkado badan oo qaabilsan diiwaan galinta fannaaniinta iyo fanka caan baxay.

Boggeeda Internet-ka waxay ku shaacisaa sawirrada fannaaniinta loogu jecel yahay dunida ee kasoo jeeda waddan walba.

Waxaa shirkaddan magaalada London lagu aasaasay sanadkii 1954-kii, markii horena waxa ay si toos ah u hoos tageysay shirkadda Jarmalka ee Deutsche Grammophon GmbH. Waxaase magacan ay hadda wadato la siiyay goor dambe oo ahayd 1972-kii.

Farriin ay BBC-da u dirtay shirkaddan oo aan dooneynay inaan wax ka waydiinno sida ay heesta Nimco Happy u arkaan wali noogama aysan soo jawaabin.

Lacag malaga sameeyaa heesaha Soomaalida?

Marka ugu horreysaba waxa ay su’aal ka taagneyd, Fannaaniinta Soomaalida wax lacag ah miyey ka helaan heesaha?

Aar Maanta oo ka mid ah fannaaniinta ugu magaca weyn Soomaalida ayaa BBC-da uga warramay qaabka lacagta looga sameeyo heesaha, xilli isbuucyadii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayay hees ay leedahay fannaanadda Nimco Happy oo soo jiidatay dad isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

Waxaa su’aalo badan la iska weydiiyaa sida ay fannaaniinta Soomaaliyeed lacagta uga smeeyaan fankooda iyo inay la mid yihiin kuwa kale ee caalamka oo badankood la aaminsan yahay inay magac iyo maalba ka helaan.

Xasan Nuur Sayid, oo aad loogu garan og yahay Aar Maanta ayaa sheegay in isagu shakhsi ahaan uu dhaqaale ka sameeyo heesihiisa, dhinacyo kala duwanna ay kasoo xareeyaan lacag.

“Uma wada hadli karo fannaaniinta Soomaaliyeed, waayo qof walba howlihiisa sida uu u fuliyo ama u sharciyeeyo ayay ku xiran tahay. Aniga shakhsiyan, haa waan ka sameeyaa lacag, heesaheyga dhammaantood, laga billaabo 2009 way diiwaan gaashanaayeen,” ayuu yiri Aar Maanta.

Waxa uu BBC-da u sheegay in dhaqaalaha heesaha kasoo xarooda uu ka imaado meelo kala duwan, oo mid walba gaarkeeda looga faa’iido.

“Lacag haddey noqoto, dhowr meelood baa laga sameeyaa. Tusaale ahaan, waddamada reer galbeedka oo kale haddii ay heesteyda kasii daayaan raadiyaha ama telefishinka, sida BBC ama VOA waxay bixinayaan wax la dhaho “royalties”. Royalty-gu waligiis wuu soo jiray laakiin muusiga hadda waxaa kusoo kordhay wax la dhoho “monitization” oo ah lacag looga heli karo meelaha laga dhageysto muusiga ama toos looga sii daayo oo ay ka mid yihiin Spotify, iTunes iyo Youtube,” ayuu yiri.

Balse heesta dhaqaalaha keeneysa waa in ay marka hore tahay mid diiwaan gashan oo sharciga la waafajiyay.

Waa maxay Royalties?

Inta badan waa la yaqaannaa qaabka ay u shaqeeyaan Yotube iyo shirkadaha kale ee bixiya adeegyada muusiga laga dhageysto, waxaana badanaa lacag looga sameeyaa xayeysiimo ay saaraan heesaha iyo muuqaallada ama codadka lasoo galiyo.

Laakiin dad badan aad uma fahansana sida uu u shaqeeyo adeegga magdhowga ee loo yaqaanno “royalties” oo xiddigaha fanka ay lacago ku helaan.

Fannaanka Aar Maanta qudhiisa, oo qaabkaas ku hela lacago ayaa noo sharraxaya sida uu royalties u shaqeeyo iyo waddooyinka lacagta looga heli karo.

“Waxay ku xiran tahay inta goor ee TV-ga ama raadiyaha laga sii daayo heestaada. Telefishinnada iyo raadiyeyaasha caalamiga ah ka hor inta aysan soo deynin heesta waxay fasax weydiistaan qofka heesta iska leh, heshiis ayayna la galaan oo ku saabsan lacagta ay siinayaan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas sii raaciyay: “Royalties-ka waxay ku xiran tahay yaa sameeyay heesta? Khasab ma aha in royalty-ga uu lahaado qofka codkiisa ku qaaday heesta, inta badan royalty-ga waxaa iska leh qofka alifay miraha iyo qofka laxanka sameeyay, inta badanna qofka fannaanka ah way la heshiiyaan, lacagtana way kala qaybsanayaan, tusaale ahaan qof wuxuu qaadanayaa 50% qof 20% iyo wax la mid ah.”

Waxa uu Aar Maanta sheegay in howshan ay fuliyaan dad qareenno ah oo ku takhasusay muusiga, filimada iyo ilaalinta xuquuqda.

BBC-da ayaa isku dayday inay wax ka ogaato qaabka ay Nimco Happy dhaqaalaha uga sameyn karto heesteeda muddooyinkan qabsatay baraha bulshada balse wax jawaab ah kama aannaan helin.

Horay waxaa u jiray hadal-heyn la xiriirta in fannaaniinta Soomaalida badankood aysan wax dhaqaale ah ka helin fanka, marka laga soo tago inay magac uun ka sameeyaan, laakiin waxaa muuqata in waayadii dambe ay arrintaas isbaddaleysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here