Nin burcad ah oo muuqaalladiisa Youtube ay gilgileen Turkiga

0
Sedat Peker turkey

Dowladda Turkiga ayaa si caro leh uga jawaabtay eedeymo musuqmaasuq oo uu soo jeediyay nin burcad baxsad ah oo ay muuqaaladiisa YouTube-ka daawadeen malaayiin Turki ah.

Muuqaalkii toddobaad, oo uu baahiyay ninkan oo lagu magacaabo Sedat Peker, ayaa waxa la daawaday in ka badan 12 milyan oo jeer.

Wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu, ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo eedaymihiisa.

Peker oo 49 sano jir ah ayaa sheegay inuu haatan ku sugan yahay magaalada Dubai. Ninkan ayaa horay dhowr jeer loogu xiray dalka Turkiga.

Wuxuu bilaabay inuu muuqaalada shaaciyo horraantii bishii May kadib hawlgal ay booliisku ku bartilmaameedsadeen isaga iyo kooxdiisa. Wuxuu ka cararay Turkiga sanadkii hore si uu uga badbaado dacwad oogis, iyada oo horrey loogu dacweeyay inuu hoggaamiyo koox burcad ah.

“Wuxuu bartilmaamsanayaa dalka”

Sida laga soo xigtay Peker, wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ayaa u ballanqaaday inuu badbaadin doono, taas oo u sahashay inuu ka cararo Turkiga ka hor inta aan la xirin.

Mr Soylu, oo ah nin aad ugu dhow madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa beeniyay sheegashadaas wuxuuna dalbaday in Peker uu soo laabto si uu cadaallada ugu wajaho Turkiga. Wuxuu sheegay in fiidiyowyadu ay qayb ka ahaayeen “hawlgal caalami ah”.

“In kasta oo eedeymaha iyo sumcad xumada ay gebi ahaanba yihiin waxba kama jiraan, haddana waxay bartilmaameedsaneysaa dalka,”ayuu yiri Mr Soylu.

Isbuucii la soo dhaafay, Mr Erdogan wuxuu sheegay in xisbigiisa AK Party uu nabad ku soo dabaalay dalka Turkiga isagoo la dagaalamaya kooxaha burcadda ah sida Peker oo uu sidoo kale “ka hortagi doono qoraalkan wasakhda ah”, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Booliska Turkiga ayaa Axaddii waxay gobolka Mugla ku xireen Sedat Peker walaalkiis oo lagu magacaabo Atilla kadib markii Sedat uu sheegay inuu u diray Atilla si uu u dilo weriye u dhashay Turkiga oo joogay Cyprus oo lagu magacaabay Kutlu Adali.

Adali waxaa lagu dilay Cyprus, balse illaa hadda lama aqoonsan ciddi dishay.

Sida laga soo xigtay Sedat Peker, dilka Adali waxaa amar ku bixiyay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Mehmet Agar. Waxa kale oo uu ku eedeeyay Mr Agar inuu ku lug lahaa dilkii 1993 loo gaystay Ugur Mumcu, oo ahaa saxafi kale oo caan ah.

Mumcu, oo ahaa wariye dhanka baaritaanta ku qaabilsanaa wargeyska Cumhuriyet, ayaa waxa lagu dilay qaraxa gaari loo adeegsaday.

Ururka ay ku mideysan yihiin suxufiyiinta Turkiga ayaa dalbaday in baaritaan lagu sameeyo labada kiis ee aan xalka loo helin weli, sida lagu sheegay qoraal uu soo dhigay barta Twitter. “Waxaan dalbaneynaa in dadka lagu tuhunsanyahay falalkan la maxkamadeeyo. Waxaan ugu baaqeynaa dacwad oogayaasha inay gutaan waajibaadkooda,” ayuu yiri midowga.

Dembiyadii hore

“Ma waxaan ku laabaneynaa 1990-yadii?” Dad badan ayaa su’aashaas weydiinaya Turkiga. Taasi waxay ahayd xilli xiriirro adag ay ka dhexeeyeen burcadda maafiyada ah, booliska, siyaasiyiinta iyo ganacsatada.

Markii xisbiga AK uu xukunka qabtay bilowgii sanadihii 2000, wuxuu sheeganayay in waayihii adkaa ay dhamaatay. Madaxweyne Erdogan wuxuu yiri hadda waxaa jira “Turkiga cusub” Turkigii hore wuxuu ahaa taariikh.

Laakiin sheegashada Sedat Peker ayaa caqabad ku noqotay aragtidaas. Wuxuu ahaa shakhsi muhiim ah 1990-kii.

Turkiga maanta inta badan warbaahinta guud waxaa loo arkaa inay ku hadlayso afka dowladda.

Peker wuxuu dood kulul ka abuuray baraha bulshada, taas oo ka tarjumeysa kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Turkiga.

Wasiirka arrimaha gudaha Soylu, oo ka mid ah bartilmaameedyada ugu muhiimsan ee Peker, ayaa u muuqda inuu ku sugan yahay xaalad adag, iyadoo qaar kamid ah xubnaha xisbiga AK Party ay ka laba-labaynayaan inay si furan u taageeraan.

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in haddii Mr Erdogan uu doonayo inuu qanciyo dadka codkooda ku taageera, waa in uu hadlaa haddii kale eedeymahan waxay dhaawici karaan taageerada xisbigiisa.

Muuqaalka uu Axaddii shaaciyay Sedat Peker ayaa wuxuu sidoo kale ku eedeeyay ganacsiga daroogada wiilka ra’iisul wasaarihii hore Binali Yildirim, isaga oo sheegay in uu tegay Venezuela bilowgii sannadkan.

Binali Yildirim ayaa eedeymahaas ku tilmaamay “aflagaado”. Wiilkiisa ayaa u aaday Venezuela si uu ugu qaybiyo tijaabada iyo talaalka ‘Covid-19’, ayuu yiri.

Binali Yildirim wuxuu ra’iisal wasaare dalkaas ka ahaa 2016-2018-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here