Nin Soomaali ah oo hadiyaddii ugu cajiibsanayd siiyay garsoore Mareykan ah oo caan ka ah dunida

garsoore usa Frank Caprio

Garsooraha dunida caanka ka ah ee ka howl gala Mareykanka, Frank Caprio – oo lagu bartay xukunnadiisa caddaaladda iyo naxariistu ku dheellitiran tahay – ayaa soo bandhigay muuqaal uu ka sameeyay hadiyad cajiib ah oo ay guddoonsiiyeen nin Soomaali ah iyo aabihiis.

Cumar Cali Xasan ayaa garsooraha xiriir la sameeyay si uu hadiyad u siiyo kaddib markii uu aad jecleystay shaqadiisa cajiibka ah ee uu dadka ugu adeego.

Wiilkan iyo aabihiis oo xoolaley ah ayaa Mr Caprio u diyaariyay saddex neef oo geel ah, iyadoo dadaal u sameeyay sidii ay u guddoonsiin lahaayeen.

Garsoore Frank Caprio ayaa markii warkaas la gaarsiiyay rumaysan waayay.

“Isbuucii lasoo dhaafay waxaan farriin ka helay Cumar Xasan, oo ku sugan Muqdisho, Soomaaliya, waxa uuna ii soo bandhigay hadiyad noqonaysa tii ugu cajiibsanayd mid la mid ahna aysan jirin, oo ah saddex neef oo geel ah.

“Markii hore waxaan u malynayay in waxani ay kaftan yihiin balse sida muuqata waa hadiyad dhab ah oo la ii siiyay,” ayuu yiri garsooraha sida wayn loo jecel yahay.

Muuqaalka uu soo dhigay baraha bulshada ayuu garsooraha si toos ah oo maqal iyo muuqaal ah ugula hadlay Cumar iyo Dr Cali.

Cumar iyo aabihiis Cali

Markii ay khadka soo galeen ayuu waydiiyay su’aal ahayd, ‘Maxay tahay sababta aad geel iigu hadiyayseen?’.

Cumar oo garab fadhiyay aabihiis ayaa isagoo ka jawaabaya yiri: “Waxaad na dareensiisay jacayl iyo farxad marka aan daawanayno muuqaalladaada adigoo caawinaya dadka jacaylna u muujinaya maalin kasta.”

Dr Cali ayaa isagana intaas sii raaciyay: “Waxaan kuu diyaarinnay geel aan adiga ku siinayno sababtoo ah waxaad tahay qof aan jecel nahay.”

Garsoore Frank Caprio ayaa aad uga qiirooday hadalladaas iyo hadiyadda qaaliga ah ee lala jeclaaday, waxa uuna aqbaliddeeda shuruud uga dhigay in isagoo magaciisa wakiil looga yahay la guddoonsiiyo qof danyar ah oo aad ugu baahan.

Geela ayaa ka mid ah hantida ay Soomaalidu caanka ku yihiin, ayna sida wayn ugu faanaan.

Halkii neef oo geel ah waxaa qiimihiisa lagu qiyaasaa ilaa $1,000 doolarka Mareykanka ah.

Garsoore la jecel yahay

Muuqaallada laga duubo kiisaska maxkamadda uu garsooraha ka yahay Frank Caprio ee lagu faafiyo baraha bulshada ayaa soo jiita dad aad u badan oo kasoo jeeda dunida qaybaheeda kala duwan.

Waxa uu garsoorahan sheegay in uu si wayn ugu farxo fal celinta dad badan ay ka bixiyaan shaqadiisa “ku dhisan in caddaaladda loo sinnaado”.

“Mid ka mid ah waxyaabaha aan sida aadka ah u jecleysto ee ku saabsan muuqaallada maxkamadda ee baraha bulshada la dhigo waa in ay daawadaan dad badan oo caalamka oo dhan ku nool.

“Meel kasta oo ay dadkaas ku sugan yihiin iyo luuqad walba oo ay ku hadlaan ama dhaqan walba oo ay leeyihiin waxay kasoo jawaabaan kana mahad celiyaan farriinteenna maxkamadeed ee ku aaddan in dadka oo dhan si caddaalad ah loola dhaqmo, iyadoo ay ku dheehan tahay naxariis, sharaf iyo xushmad,” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaa la igu marti qaaday xaflado dhalasho iyo aroosyo ka kala dhacay guryo ay dad ku kala leeyihiin ilaa shan qaaradood oo kala duwan. Xitaa waxaa jiray carruur marka ay dhasheen la igu samiyay. Waa arrin aad cajiib u ah oo dhimrin ah.”

Hadiyado kale oo la siiyay garsoorahan

Meelo badan oo caalamka ka mid ah ayaa laga yaqaannaa garsoorahan oo bulshadiisa dhexdeedana ka ah qof aad loo jecel yahay.

Waxyaabaha loo soo hadiyeeyo waxaa ugu badan gabayo isaga loo sameeyay oo luuqado kala duwan lagu suugaameeyay, kuwaasoo uu sheegay in uu aad uga helo.

Bishii February ee sanadkii 2019-kii, haweeney ku jirtay tacsida geerida ninkeeda ayaa lasoo hor taagay maxkamadda uu garsooraha ka yahay, iyadoo loo haystay inay ku xad gudubtay qaar ka mid ah shuruucda waddada.

Markii uu marxaladdeeda arkay ayuu kiiskii laalay garoose Caprio. Laakiin haweeneydan ayaa dadkii maxkamadda ku sugnaa ka yaabisay kaddib markii ay jeebka kasoo bixisay lacag 20 doolar ah oo ay u hadiyeysay garsooraha, si loo siiyo qof baahan, sida hooyo kaligeed ah oo aan la qabin.

Dabayaaqadii sanadkii 2021-kii, nin u dhashay dalka Kenya, oo lagu magacaabo Chelten Tuguno, ayaa garsoorahan u diray farriin, isagoo u sheegay in uu u hadiyeeyay saddex neef oo ari ah.

Garsoore Caprio ayaa lasoo xiriiray ninkaas oo ay lama filaan ku noqotay inuu la hadlo, isagoo uga mahad celiyay hadiyaddaas cajiibka ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here