Ninkii ku hanjabay in Ilhan Cumar uu dilayo oo galay heshiis dambi qirasho

ilhan omar4

Nin degan galbeedka gobolka New York ayaa Isniintii qirtay inuu ku hanjabay inuu dilayo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Patrick Carlineo ayaa heshiis dambi qirasho ku galay magaalada Rochester, isaga oo qirtay dacwadihii lagu soo oogay oo hoggaamin kara 10 sano oo xabsi ah. Waxaa la filaaa in 14-ka bisha Febraayo lagu dhawaaqo xukunka xabsiga.

Xeer ilaaliiye James Kennedy Jr ayaa sheegay in kiiskan uu iftiiminayo in xoriyadda hadalka ay la socoto mas’uuliyad ah “In dadka aysan sameyn hanjabaado ay ku waxyeeleynayaan sharci-dejiyayaasha aa ku aragtida ahayn.”

Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga dimoqraadiga Mareykanka ayaa ah mid ka mid ah labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee ka mid noqda Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Xafiiskeeda weli wax jawaab ah kama bixin heshiiska dambi qirasho ee Carlineo.

Patrick Carlineo ayaa FBI-da u sheegay inuu yahay waddani, islamarkaana neceb yahay dadka uu u arko inay yihiin xagjiriin Muslimiin ah oo ku dhex jira dowladda Mareykanka, islamarkaana uu jecel yahay madaxweyne Donald Trump.

Qareenka Carlineo, Sonya Zoghlin ayaa sheegtay inuu yahay nin aad ugu xamaasadeysan fikradihiisa siyaasadeed, islamarkaana marnaba qorshihiisu aanu ahayn inuu dilo Ilhaan Cumar.

Dambiyada uu qirtay Carlineo ayaa waxaa ka mid ah inuu haysta hub sharci darro ah. Waxaa qaadashada hubka laga mamnuucay 1998-kii markii lagu helay dambi.

Ilhaan Cumar oo marar badan twitter-ka ay hadallo isku weydaarsadeen madaxweyne Trump ayaa waxaa naceyb badan u qaaday taageerayaasha madaxweynaha ee midigta-fog.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here