NISA oo shaaca ka qaaday in awoodda laga wareejiyey hoggaamiyaha Al-Shabaab

NISA

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in awoddii laga wareejiyey hoggaamiyaha xarakada Al-Shabaab Axmed Diiriye oo loo yaqaan Abu Cubeyda, sababo caafimaad dartood.

Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in Axmed Diiriye lagu beddelay oo awooddii kooxda lagu wareejiyey ku-xigeenkiisa oo magaciisa ay ku sheegtay Abuukar Aadan.

“Sababo caafimaad awgeed, ayaa awoodii horjoogaha Maafiyada AS si KMG ah loogu wareejiyey abukar Aden, oo ah ku xigeenkiisa, waxaana loolan culus ka dhaxeeyaa garabka Mahad Karateey iyo garabka Diiriye oo ku hardamaya sidii loo magacaabi lahaa horjooge cusub,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA ma shaacin waxa ay tahay xaaladda caafimaad ee uu ku sugan yahay Abu Cubeyda, mana bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer.

Hay’adda Nabd-Sugidda ayaa horey sidan oo kale dhowr jeer u werisay khilaaf iyo loolan ka ay sheegtay inuu ka dhex-oogan yahay madaxda Al-Shabaab.

10-kii March ayey NISA sheegtay in magaalada Bu’aale “lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, sidoo kalena xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka gobolka Banaadir, Cumar Maxamed.”

3-dii Febraayo NISA waxay sidoo kale sheegtay in Axmed Diiriye uu “Mahad Karataay iyo Bashir Qorgaab ka saaray golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay kahayeen Xarakada.” Bashiir Qoorgaab ayaa markii dambe Mareykanka ay sheegeen inay duqeyn ku dileen.

Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta wararka kasoo baxa NISA ee la xiriira khilaafka Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaabna marna kama hadasho arrimaha kooxda dhexdeeda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here