Nooc cusub oo Korona ah oo caalamka argagaxa hor leh geliyay

Coronavirus2

Waxaa isa soo tarayaa walaaca hor leh ee laga qabo nooca cusub ee feyraska Karoona.

Nooca cusub ee cudurka Covid-19 ee laga helay dunida ayaa ah mid isbaddalayo oo xitaa mid kamid ah seynisyahanada wuxuu ku tilmaamay ‘mid argagax leh’ halka khuburrada qaar ay sheegayaan in uu yahay kii ugu xumaa abid ee la arko.

Waa xilli hore iyadoo ilaa iyo hadda kiisaska la xaqiijiyay ay ku badan yihiin hal gobol oo dhaca Koonfur Afrika, sidoo kale waxaa jiraa waxyaabo tilmaamaya in nooca cusub ee cudurka Korona uu sii baahi karo.

Durbadiiba waxaa soo ifbaxayaa su’aalo ku saabsan sida uu u faafi karo nooca cusub ee cudurka iyo awoodda uu u leeyahay in uu meesha ka saaro waxtarka tallaalka looga hortaggayo cudurka iyo waxa laga yeelayo arrintaas.

Waxaa jiraa warar kala duwan oo la isla dhexmarayo oo ku aadan feyraska cusub laakiinse waxaa jiraa jawaab kooban oo ku aadan cudurka.

Haddaba , maxaa ka ognahay noocan cusub ee feyraska?

Noocan cusub ee feyrsaka Korona waxay Qaramada Midoobey ugu magac dartay Omicron kadib noocyadii Alpha iyo Delta.

Arrinta la yaabka leh ayaa in si weyn uu isu baddalo, Prof Tulio de Oliveira, oo ah agaasimaha xarunta ka falcelisa cudurrada safmarka iyo hal-abuurka ee Koonfur Afrika, ayaa sheegay in uu jiro “is-beddel aan caadi ahayn” oo “aad uga duwan” noocyada kale ee horey ula wareegay dunida.

“Noocan cusub ayaa naga yaabiyay, si weyn ayuu sare ugu kacayaa, waxaana ka fileynayaa isbaddallo dhowr ah”

Prof de Oliveira oo warbixin kooban siinayay warbaahinta ayaa sheegay in noocan cusub uu isbaddalay ilaa 50 jeer halka 30 jeer ay isbaddalo ku dhaceen Protein-ka kaas oo bartilmaameed u ah inta badan tallaalada iyo furaha uu feyraska uu adeegsanayo in uu kusoo galo unugyada jirkeena.

Heerkan isbeddelka feyraskan cusub waxay u badan tahay inuu ka yimid hal bukaan oo difaaca jirkiisa uu awoodi waayay inuu iska difaaco fayraska.

Kama dhigno in isbaddallada feyraskan cusub dhammaantood ay yihiin kuwa aad u xun balse waxaa muhiim in la ogaado waxa dhabta ah ee isbedeladaasi ay sameynayaan.

Walaaca jira ayaa ah in fayraskani uu hadda aad uga duwan yahay kii asalka ahaa ee kasoo ifbaxay Wuhan ee dalka Shiinaha, waxay taas ka dhigan tahay in tallaalka lasoo saaray haatan loogu talagalay in loo adeegsado in looga hortaggo feyraskii hore balse waxaa laga yaabaa in aanay waxtar lahayn.

Qaar kamid ah isbaddalladan lagu arkay feyraskan ayaa hore loogu arkay noocyo kale oo cudurkan ah taas oo khuburrada siineysa aragti ah doorka ay ku yeelan karaan kan haatan soo ifbaxay.

Prof Richard Lessells, oo ka tirsan Jaamacadda KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika, ayaa yiri: “Wuxuu inagu abuuraya walaaca ah in feyrsakan uu xoojiyay heerka isu gudbinta sidoo kale wuxuu awood u yeelan karaa inuu ku wareego qaybo ka mid ah difaaca jirka”

Cilmi baarista dhanka seyniska ee lagu sameeyo sheybaarada ayaa sawir cad ka bixin doonaa waxa uu yahay feyraskan cusub balse jawaabaha intooda badan waxay ka imaan doonaan la socodka feyraskan cusub iyo sida uu u saameeyo dunida.

Weli waa xilli hore in warbixin dhameystiran laga soo saaro feyraska balse waxaa jiraa astaamo ku saabsan cudurka oo walaaca ku abuuraya dadka.

Waxaa jiray 77 kiisas ah oo ku saabsan noocan cusub ee feyrsaka Korona kuwaas oo si buuxda looga xaqiijiyay gobolka Gauteng ee Koonfur Afrika, afar xaaladood oo Botswana ah iyo hal Hong Kong ah, waxaana si toos ah loola xiriiriyay bukaanno qabay cudurka oo kasoo safray Koonfur Afrika.

Israa’iil iyo Belgium waxay xaqiijiyeen kiisas ku saabsan feyraskan cusub.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiraa tilmaamo ku aadan in feyraskan uu si weyn u faafayo.

Waxay tani ka dhigan tahay in boqolkiiba 90 kiisaska cudurka ee laga diiwaangeliyay gobolka Gauteng ee Koonfur Afrika in dadkaas ay hore u qabeen cudurka isla markaana laga yaabo in cudurka uu gaaray gobollo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here