Oday Cali Khaliif oo boodhka ka jafaya hadhaagii Khaatumo mar kalena is boqraya

Cali Khaliif

Sida ay xaqiijinayaan warar isa soo tarayaa Oday Cali Khaliif Galaydh ayaa dib u bilaabay inuu boodhka ka jafo hadhaagii Khaatumodii kala yaacday iyo odayaal nooca loo yaqaano koofiyad bacleyaal, kadib markii uu ku fashilmay caagleyn jujuuba oo uu Somaliland ka doonayey.

Cali oo dalka dibadiisa ku maqan ayaa odayaasha ka codsaday inay warsaxaafadeed ku sheegaan in Somaliland ka baxday heshiiskii ay Khaatumo la gashay.

Cali ayaa horey Somaliland uga qaatay in ka badan 600 oo askarta caaglaha loo yaqaano ee ku badan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo uu Prof. Cali Khaliif uu lixdii boqolba si xishood laĆ an ah qoyskiisii u siiyey, taas oo Somaliland u cadeysay inaan Cali Khaliif noqon karin nin Qaran ama qabiil laakiin uu qoys hoose ka duulayo.

Filada Cali Khaliif ayaa hada isu bedelay wax laga yaxyaxo, dad badanina waxay aaminsan yihiin inuu sirqoobay oo ay ka qabsatay Madaxweynaha Khaatumo iyo furista Dastuurka Somaliland oo aan wax kaga xidhan la garanayn iyo askar caagle ah.

Ma jirto cid ka soo jeeda degaamadda SSC oo Cali Khaliif wax taageero ah u haysa, balse waxaa xaqiiq ah in laga reystay mudadii uu degaamada ka soo maqnaa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.