Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo geeriyooday

gaandi

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, ahaana musharax madaxweyne ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

Prof. Gaandi ayaa lagu warramayaa inuu maalmihii tegay halkaas ku xanuusanaa, kuna geeriyooday isbitaal ku yaalla, hase yeeshee weli wax faah-faahin ah lagama bixin xanuunka hayey.

Waxa uu horey usoo noqday wasiirkii gaashaandhigga ee dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ee uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here