PROFESOORADDII MIYEY CARAREEN? MISE 18 MAY BAY MADAXA KA QARSADEEN?

cali khaliif iyo axmed samatar

Waxaa la xaqiijinayaa in Profesooraddii tabliiqiyiinta ee Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Ismaaciil Samatar ay xadhigii Xildhibaan Dhakool wax yar kadib ay Somaliland ka baxeen, iyadoo dadbadani ay ku muransan yihiin sababta ay Somaliland uga dhoofeen.

Dadka qaar waxay sheegayaan in markii ay arkeen Xildhibaan Dhakool oo xabsiga liinta ku cabaya, yiraahdeen LIBAAXII ALAMTARA SOO DHAAF oo ay lafahooda la baxsadeen, halka qaar kalena aaminsan yihiin inay madaxa ka qarsadeen xuska 18 May oo ay sheegeen inaan lawada lahayn.

Si kasta oo ay u baxaanba waxaa dhab ah inay garteen in la fahmay qorshihii ay ka wadeen gudaha Somaliland, waana hubaal inaan tabliiq dambe laga dhegaysanayn oo ay fashilmeen.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.