Profesooradu Xildhibaan Dhakool way galaafteen ee Oday Cadami maka badbaadi doonaa?

prof galaydh iyo samatar

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Lo joogsan weydaa Sac bay la wareegaysaa”, way cadeyd in Xumaantii iyo Burburintii ay Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galaydh ka bilaabeen gudaha Somaliland ay cid galaafanayso, lamase filayn inay diricii Xildhibaan Dhakool duufsadaan.

Qamaan Bulxan baa tix gabay ah ku yidhi “Xaqa giigay feedhaha miyaad yare gufaacootay” , Dhakool 27 sano wuxuu waday maanta ma jiraan degaamada SSC taageero kaga heli maayo.

Maahmaah kale ayaa tiraahdaa “Abkay dooli dilow dad nool mow daahaa” Profesoorada Xildhibaanka kaga yeedhsiiyey 18 May ee uu 27 sano u dabaaldegayey ma jirto, waa hubaan inay xubno kale isku sadqaynayaan oo duufsanayaan ee yaa ku xiga?

Waxgarad badan ayaa u arka in Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliland Axmed Cali Cadami uu ka mid yahay dadka la duufsaday ee tubta cagta saaray, isagoo mudooyinkii u dambeeyey tabliiq la ahaa Profesoorada.

Xaqiiqdii waa xaqdaro in Xildhibaan Dhakool la xidho, profesooradii duufsaday ee hadaladdii uu ku hadlayey Somaliland oo dhan la wareegayeyna ay tabliiqooddii xumaan falista sii wataan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.