Puntland: Guddiga qabanaya doorashada Aqalka sare oo la magacaabay

baarlamaanka puntland2

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyay guddiga qabanaya doorashada Aqalka sare.

Guddooomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban shan xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa xalay soo saaray liiska xubnaha u sharraxan Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland.

Doorashada xubnaha Aqalka sare ayaa lagu wadaa in ay maalinta berri ah ka qabsoonto Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here