PUNTLAND: LIISKA MURASHIXIINTA MADAXWEYNAHA IYO KU XIGEENKIISA OO LA SHAACIYAY

Doorashada puntland

Guddiga doorashada madaxtinimada dowladda Puntland oo haatan soo geba-gabeeyay diiwaan-gelinta murashixiinta, ayaa shaaciyay magacyada murashixiinta buuxiyay shuruudaha ee la diiwaan-geliyay.

Guddiga ayaa sheegay in ay diiwaan-geliyeen 21 murashax madaxweyne iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeen, kuwaasoo buuxiyay shuruudaha ku cad habraaca doorashada ee Dastuurka loo cuskaday.

Diiwaan-gelinta oo soo bilaabatay 2:00PM ee shalay oo Sabti ahayd ayaa soo idlaatay 4:00PM ee Galabta,waxaana maalinta berri ah oo Isniin ah bilaamaya, khudbad jeedinta murashixiinta diiwaan-geshan, iyadoo qofkiiba la siin doono 15 daqiiqo.

Maalinta Talaadada ee ku beegan 8-da Jannaayo 2019 ayaa la qorsheeyay, in ay doorashadu dhacdo, waxaana wareegga labaad u baxaya saddexda murashax ee ugu codad badan, halka wareega saddexaad ay noqonayso cod-dheeri, sida ku xusan habraaca doorashada.

Halkaan ka akhriso liiska

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.