PUNTLAND OO DIGNIIN CULUS U DIRTAY SOMALILAND IYO DANEEYEYAASHA SOMALIA

puntland iyo somaliland

Dowladda Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo maalmahan ay Somaliland ka waddo degaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu sheegay in Somaliland ay duullaan ku soo qaadday degaanno ka tirsan gobolka Sanaag ee Puntland si ay u curyaamiso dagaalka ay Puntland argagixisada kaga sifeynayso buuraleyda gobolada Bari iyo Sanaag.

Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Puntland ay marwalba ay dulqaad muujinayso iyadoo xeerinaysa xasiloonida gobolka iyo deris wanaaga kana hortegaysa daadinta dhiigga dadka walaalaha balse mar dambe aysan u dulqaadan doonin daan-daansiga qayaxan iyo weerarrada joogtada ah ee kaga imaanaya dhinaca Somaliland.

Ugu dambeyntii Puntland waxay sheegtay in ay u diyaarsantahay difaaca dalkeeda iyo dadkeeda waxaana ay shacabka ugu baaqday in ay u midooban difaaca dalka iyadoo dhinaca kale daneeyaasha arrimaha Soomaaliya ku wargelisay in Somaliland ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto wixii halkaas ka dhaca.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.