Puntland oo faahfaahin ka bixisay weerarkii xabsiga weyn ee Boosaaso

puntland logo

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga weyn ee Boosaaso, ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar xalay dabley hubaysan ku qaaday xabsigaas.

Taliyaha ayaa sheegay in dableydii xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, islamarkaana ay carareen sida uu hadalka u dhigay.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaas oo qaarkood dib loo soo qabtay.

Khasaaraha weerarka ayuu ku sheegay hal askari oo dhimasho ah iyo laba dhaawac ah, isagoo xusay in ay dib ka faahfaahin doonaan wixi ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas.

Dhinaca kale, Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkii xalay lagu qaaday xabsiga weyn ee Boosaaso.

Halkaan ka daawo Hadalka Taliyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here