Puntland oo sheegtay in ay qabsatay taliskii Al-shabaab ee Gobolka Bari

0
puntland logo

Ciidanka PMPF ee Puntland, ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Taliskii Al-shabaab ku lahayd Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka PMPF, ayay ku sheegteen in ay hawlgal qorshaysan ku qabsadeen Taliskii Al-shabaab ee Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Ciidanka ayaa tilmaamay in ay saldhigaas ku qabteen saanad hub ah, Walxaha qarxa, aaladaha lagu farsameeyo Qaraxyada iyo Tuutayaal.

PMPF kama hadlin, haddii uu jiro iska hor-imaad ka dhacay saldhiga ama  khasaare ka dhashay hawlgalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here