Putin oo balanqaaday in dhawaan gantaalka Zircon hypersonic lagu qalabayn doono Ciidanka Badda

vladimir putin

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in dalkiisu uu damacsan yahay inuu noqdo “awood weyn oo dhanka badda ah,” oo la tartami doonta Maraykanka saamayn ahaan.

Mr Putin ayaa hadalkan ka sheegay magaalada St Petersburg oo uu ka qeyb galayay dabaaldegyo lagu xusayay maalinta ciidamada badda ee Ruushka oo sanadkiiba mar la qabto. Waxa uu ka digay in waxa uu ugu yeeray “damaca Mareykanka ee ah in uu xukumo badaha” uu ka dhigan yahay mid ka mid ah khatarta ugu weyn ee Ruushka, oo ay weheliso is-ballaarinta NATO.

Ruushka, ayaa ballan qaaday, in uu dhawaan la wareegi doono gantaalka Zircon hypersonic, kaas oo loogu talagalay in uu kaga jawaabo wax kasta oo xad gudub ku ah qaranimada iyo madaxbaanida Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here