PUTIN OO LA KULMAY WAALIDIINTA ASKARTA FURIMAHA DAGAALKA KU JIRTA

vladimir putin

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa u sheegay koox waalidiin hooyooyin ah “inuu la qeyb sanayo xanuunka,” caruurtooda ka tirsan askarta Ruushka ee dagaalamaya – kuwaasoo qaarkood lagu dilay, qaar kalana lagu dhawaacay – gudaha Ukraine.

Dhawr ka mid ah hooyooyinka, ayaa xubno ka ah ururo hoos taga maamulka Kremlin-ka. Dadka dhaliila Putin, ayaa sheegaya in lasoo xulay waalidiinta uu kulanka la qaatay.

Gudaha Ruushka, ayaa waxaa sii kordhaya mucaaradnimada lagala soo horjeedo duullaanka Putin uu ku ekeeyey dalka Ukraine.

“Ma jiraan wax bedeli kara nolosha wiilashiina,” ayuu ku yiri khudbaddiisii ​​furitaanka Putin, oo lagu soo bandhigay warbaahinta dowladda Ruushka.

Guud ahaan dalka Ruushka, koox ay ku mideysan yihiin waalidiinta hooyooyinka ah ee wiilashooda askarta lagu daraa, ayaa si bareer ah uga cabanaya in wiilashooda loo dirayo dagaalka.

Waxey intaa ku dareen in aanan tababar wanaagsan lasiin, isla markaana aysan haysan hub iyo dhar ku filan, gaar ahaan xilliga qaboobaha daran.

Ku dhawaad ​​100,000 oo Ruush ah iyo 100,000 oo askarta Yukreeniyaan ah, ayaa la dilay ama la dhaawacay tan iyo markii uu dagaalku billowday 24-kii Febraayo ee sanadkan, sida uu sheegay Jeneraalka ugu sarreeya Mareykanka, Mark Milley

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here