Putin oo wacad ku maray inuu dhul hor leh weerari doono haddii reer Galbeedku ay hub u soo diraan Ukraine

vladimir putin

Dowladda Ruushka waxa ay ballaarin doontaa weerrarka ay ka waddo gudaha waddanka Ukraine haddii dalalka reer Galbeedka ay hubka ridada fog u soo diraan, madaxweyne Vladimir Putin ayaa sidaasi sheegay.

Digniinta ayaa imanaysa xilli Axaddii qaraxyo ay gilgileen qeyba ka mid ah magaalada Kyiv, taas oo ah weerrarkii ugu horreeyay ee caasimadda lagu qaado muddo todobaadya ah.

Ruushka ayaa sheegay inuu bartilmaameedsaday taangiyo ay soo dhiibeen dalal reer Yurub ah. Ukraine-se waxa ay sheegtay in goobtaasi ay aheyd warshad lagu dayactiro khadadka tareennada.

Caasimadda ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay duqeymo aanan badneyn kaddib markii Ruushka uu dedaalladiisa isugu geeyay gobolka Donbas.

Xilli Ruushka uu halkaas – boqollaal kiilomitir oo bariga ku yaal – ka samaynayo horumar gaabis ah balse sugan ayaa dhowr dal waxa ay ku yabooheen inay Kyiv u diri doonaan hub casri ah.

Dhawaan ayey aheyd markii Mareykanka uu ku dhawaaqay inuu hannaanka gantaallada ee sare ee HIMARS uu Ukraine u diri doono, hubkaas oo ka kooban gantaallo la hago kuwaas oo garaaci kara bartilmaameed 70km ka fog meesha ay yaallaan, hubkaas oo gaari kara wax ka badan inta ay gaaraan aartelariga ay haatan Ukraine haysato.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegaya inay ogolaadeen inay gantaallada bixiyaan haddii uu madaxweyne Zelensky u xaqiijiyo in hubkaasi aanan loo isticmaali doonin in loo adeegsado weerrar lagu ekeeyo bartilmaameedyo gudaha Ruushka ah.

Kaalmadaasi ayaa waxaa ku jira diyaarado qumaati u kaca, lidka taangiyada, gawaarida xeeladda loo isticmaalo iyo qalab dayactir ah.

Jarmalka ayaa sidoo kale ballanqaaday inuu diri doono hannaanka ugu casrisan ee Iris-T ee difaaca si Ukraine ay ugu suuragasho inay difaacdo in magaalo dhan ay ka difaacdo duqeynta cirka ee Ruushka.

Wareysi uu Putin Axaddii siiyay taleefishinka qaranka Ruushka, ayuu waxa uu ku sheegay in: “Guud ahaan walaaca laga qabo saadka milateri ee dheeraadka ah, aniga waxa ay ila tahay in laga leeyahay hal yool oo kaliya, oo ah in colaaddan la sii ballaariyo inta ay suuragalka tahay.”

Hogaamiyaha Ruushka ayaa sheegay in hubka Mareykanka uu siinayo Ukraine uusan ahayn “wax cusub”.

Hasayeeshee waxa uu ka digay in la soo diro gantaallada ridada dheer: “Haddii hubkaas la soo siiyo, waxaannu gaari doonnaa go’aannada ugu habboon iyo hubkayaga aan adeegsanaynaba, kaas oo aynu haysanno wax nagu filan, oo aynu ku garaaci karno bartilmaameedyada aynaan weli garaacin.”

Dhankeeda Ukraine, kuxigeenka wasiirka gaashaandhigga ayaa waxa ay wadammada reer Galbeedka waydiisatay inay si degdeg ah ku soo diraan hubka si uu dalkiisa gacan uga siiyo inay jabiyaan Ruushka.

“Waxaannu ku jirnaa dagaal daba dheer marka waxaan u baahannahay taageero joogta ah. Reer Galbeedku waa inay fahmaan in kaalmadoodu aanay noqon mid hal mar uun ah, hasayeeshee ay noqoto mid socota illaa guusha laga gaarayo,” ayey Hanna Malyar u sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Mid ka mid ah dagaalladii ugu cuslaa ayaa haatan waxa uu ka soconayaa magaalada Severodonetsk.

Ms Malyar ayaa waxa ay sheegtay in ciidammada Ukraine ay si xooggan isaga caabbinayaan ciidammada duullaanka ah xaaladduna ay “aad u adag tahay”.

Haddii magaalada ay qabsadaan ciidammada Ruushka ayaa taasi waxa ay gobolka Luhansk gacanta u galinaysaa iyaga iyo xulafadooda maxalliga ah ee goonni ugoosadka, kuwaas oo sidoo kale maamula inta badan gobolka dariska ah ee Donetsk.

Janaraal kale oo Ruushka u dhashay – Roman Kutuzov – ayaa waxaa lagu dilay dagaalka Donbas, waxaa sidaasi sheegay ruug caddaa Ruushka u dhashay oo soo tabiyay wararka dagaallada.

Weriyaha taleefishinka qaranka, Alexander Sladkov ayaa sheegay in Kutuzov, oo ka tirsanaa ciidammada gaarka ah, uu geeriyooday “mar uu raggiisa ku hogaaminayay dagaalka”.

Farriinta Sladkov ee Telegramka uu soo dhigay ayaanan kala cadayn halka iyo sida Kutuzov loo dilay. Waxa uu sheegay in Kutuzov uu ahaa janaraalkii afraad ee Ruushka u dhashay eek u dhinta dagaalka Ukraine.

Ila wareedyada Ukraine ee reer Galbeedka ayaa tirada janaraallada laga dilay Ruushka waxa ay ku tilmaamayaan inay middaas ka sarrayso. 26-kii Maarso sarkaal reer Galbeed ah ayaa sheegay in Janaraal Yakov Rezantsev uu ahaa janaraalkii todobaad ee Ruushka laga dilo. Hasayeeshee 24-kii May waxaa la soo tebiyay geerida janaraalkii ciidammada cirka Kanamat Botashev.

Barasaabka gobolka Luhansk ayaa sheegaya in ciidammada Ukraine ay weli joogaan magaalada Severodonetsk, hasayeeshee ay sugayaan inay soo gaaraan hubka casriga ah ee ay ku deeqeen xulafada reer Galbeedka.

“Markii ay ina soo gaaraan in nagu filan oo hubka ridada dheer ee reer Galbeedka, waxaannu deegaannadayada ka saari doonnaa madaafiicdooda. Markaas kaddib, I aamin, ciidammada dhulka ee Ruushka waa ay iska carari doonaan,” ayuu yiri Serhiy Haidai.

Dagaalka ayaa haatan burburiyay inta badan magaalada Severodonetsk, hasayeesehee kumannaan qof oo rayid ah ayaa weli waxa ay gabbaad ugu jiraan dhul dhaca hoose ee guryaha.

Barasaab Haidi ayaa sheegay in ciidammada Ruushka ay burburinayaan buundooyinka ku yaal webiga si ay uga hortaagan in Ukraine ay ciidamo milateri ah oo gurmad ah ay halkaasi geeyaan iyo in gargaar ay dadka rayidka ah gaarsiiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here