PUTIN OO XILKA KA QAADAY JANARAALKII SAADKA EE CIIDAMADA UKRAINE KA DAGAALAMAYA

General Dmitry Bulgakov russia saad

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa shaqada ka eryay jeneraalkii maareynayay saadka ciidamada Ruushka ee howlgallada ka wada dalka Ukraine.

Janaraal Dmitry Bulgakov, oo ahaa wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Ruushka, ayaa shalay oo Sabti ahayd xilka laga qaaday sida ay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka sheegtay.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Dmitry  oo 67-jir ah loo wareejiyay jago cusub.

Waxaa baddali doona Mikhail Mizintsev oo isagu maamuli jiray go’doomintii arxan darada ahayd ee xukuumadda Moscow ay ka geysatay magaalada Mariupol ee dalka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here