Qaabka la yaabka leh ee loo soo badbaadiyay maroodi badda ku dhacay

maroodi

Xeebaha dalka Bangladesh laba maroodi oo habow ah oo badda maciin biday balse ku sigtay in ay ku dhintaan ayaa xargo lagu soo badbaadiyay kaddib markii muddo dhawr maalmood ah ay ku go’doonsanaayeen xeebaha badda.

Maroodiyadan oo ku noolaa gudaha dalka Myanmar ayaa ka lumay raxantii ay wada socdeen, kaddibna waxay u soo tallaabeen dhanka Bangladesh, iyagoo ka soo tallaabay wabiga u dhaxeeya labada dal ee Bangladesh iyo Myanmar.

Kaddib muddo afar maalmood ah oo maroodiyadani ay ku xayirnaayeen xeebta, ayaa waxay go’aansadeen in ay badda galaan maadaama dhanka berriga ay ka xayireen dadka deegaanka oo habeen iyo maalin dhinacyada ka taagnaa.https://bbc.com/ws/av-embeds/cps/somali/war-57674472/p092lqr4/soQoraalka Muuqaalka,

Maroodi ay mooto jiirtay oo la badbaadiyay

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kaashanaya kalluumeysatada deegaanka ayaa markii dambe u gurmaday oo soo badbaadiyay labadani maroodi, kuwaa oo inta xargo lagu soo xiray loo soo jiiday dhanka berriga.

Sayed Ashiq Axmed oo ka tirsan saraakiisha deegaankaasi ayaa wakaaladda wararka ee United News Bangladesh u sheegay in markii maroodiyadaasi dibadda loo soo saaray la siiyay cunno isla markaana la geeyay keyn halkaasi ka ag dhow.

Fazlul Haque oo ka tirsan golaha deegaanka ee magaala xeebeedka Teknaf, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dadka deegaanka ay aad uga argagaxeen maroodiyadan habowga ahi maadaama horey dad shacab ah ay dileen maroodiyo.

Keymihii daaqa lahaa ee ay xayawaankani ku noolaayeen ayaa sida la sheegaya waxaa xaalufiyay dadka jara dhirta, beeroleyda iyo dababka ka kaca keymahani.

Sanaddo ka hor ayaa waddo maroodiga marin u ahayd waxaa lagu jaray xero qaxooti oo la dejiyay kumannaan ka tirsan qowmiyadda Rohingya oo ka soo cararay dalka Myanmar.

Maadaama dhulkii maroodiyadu daaqi jireen uu bani’aadamku deegaan iyo beero ka dhigtay, waxaa haatan caadi noqotay in maroodigu uu u soo daaq doonto goobaha ay dadku deggan yihiin, taa oo keenayso in dadku iyo maroodigu isku dhacaan.

Raquibul Amin oo ah madaxa gobolka ee hay’adda caalamiga ah ee xannaanada duurjoogta ayaa sheegay in dhacdadani tahay tii afraad ee dhacda sanadkan oo kaliya, wuxuuna ugu baaqay dowladaha Myanmar iyo Bangladesh in ay iska kaashadaan sidii loo yarayn lahaa in maroodiga iyo dadku ay isku dhacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here