Qaar ka mida kaamirooyinkii lagu xiray jidadka Muqdisho oo qaraxyo lagu burburiyey

CCTV camera muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn looga maqlay xilligii Salaada Subax jugta qaraxyo Culus, kaas oo dadka ku nool Magaalada Muqdisho ay si weyn u dareemeen cabsina ku abuurey.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxyo lagu xirey qaar kamid ah Kaamirooyinka ay hay’adaha Amniga Soomaaliya ku xireen Wadooyinka Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.

Xilliga ay dhacayeen Jugta qaraxyada ayaa waxaa markii hore ay dadka u maleynayeen in hoobiyeyaal ay kusoo dhacayaan magaalada Muqdisho, hase yeeshee markii uu waagii baryey la ogaadey in la qarxiyey qaar kamid ah kaamirooyinka lagu xirey meelo kamid ah wadada Maka Al-Mukarama.

Dad saakay tegay qeybo badan oo kamid ah wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa sheegeen in dhowr kaamirooyin ah la qarxiyey, kuwaas oo gebi ahaan burburey.

Goobaha wadooyinka ah ee lagu xirey Kaamirooyinka ayaa waxaa inta badan Bar-koontorool oo Gaadiidka lagu baaro ku leh Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,hayeeshee aan la ogeyn sababta keentay in kaamirooyinka qaraxyo lagu xiro lana qarxiyo.

Laamaha Ammaanka Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin kaamirooyinka la qarxiyey, waxaana saaka si caadi ah u Shaqeynaya Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ee wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku xirnaayeen kaamiooyinka la qarxiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here