Qalabka lagu baaro COVID-19 oo Muqdisho la keenay iyo Wasiirad Fowsiya oo ka hadashay

Foosiyo Abiikar Nuur

Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa shaacisay in la howlgeliyey sheybaarka dhexe ee Qaranka oo lagu baarayo dadka looga shakiyo iney qaadeen cudurka Coronovirus.

Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta kula hadashay xarunta dhexe ee Sheybaarka qaranka ayaa shaacisey in hadda wxiii ka dambeeya dadka uu ku dhaco Cudurka coronavirus lagu baari doono magaalada Muqdisho oo aan loo diri doonin dibeda.

“Dedaal iyo juhdi badan ka dib waxaan maanta ka howlgelinay Muqdisho sheybaarkii loogu talo galay in lagu ogaado dadka qaaday cudurka Coronavirus oo horey baaritaankooda dibeda loogu diri jiray” ayey tiri wasiirada.

Fowsiya Abiikar Nuur ayaa intaas ku daray in dheecaanada laga qaado dadka looga shakiyo cudurka ee dibeda loo diri jiray ay muddo todobaad ka badan qaadan jirtay in natiijada la ogaado, balse wixii hadda ka dambeeya taas laga gudbay, ayna saacado yar qaadan doonto baaritaanka maadaama la keenay qalabkii loogi talo galay oo ay xustay iney DF ka saacideen heyaddo caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here