Qaramada midoobay oo bogaadisay hannaanka doorashada Soomaaliya

james swan

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyey hannaanka doorashada Soomaaliya tani iyo marki la saxiixay heshiiski hirgelinta doorashada ee Soomaaliya.

James Swan oo khamiisti golaha ammaanka ee qaramada midoobay uga warbixiyey hannaanka doorashada Soomaaliya waxa uu sheegay in wixi ka dambeeyey heshiiskii May 27-keedii Ra’isal Wasaare Roble “uu muujiyey hoggaamin wanaagsan iyo hindise ku aaddan in geeddi socodki hore la dhaqaajiyo” isgaa oo kulammo joogto ah la yeelanayey hgoggaanka dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Waxaa jiray cadaadis isa soo tarayay oo lagu hayay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaddib markii doorashadii la qorsheeyey iney qabsoonto 8-dii Febraayo ay baaqatay maadaama la isku afgaran waayey sida codka loo qaadayo. Labo dowlad goboleed ayaa xilligaas sheegay ineysan doorashada ka qayb galeynin.

Wadahadallo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada u soo billaawday bishii March ayaa fashil ku soo dhammaaday horaantii bishii April.

Madaxweynaha Federaalkana aqalka hoose ee baarlamaanka wuxuu ka codsaday iney meel mariyaan sharci gaar ah oo oggolaanaya in muddo kordhin labo sano ah loo sameeyo islamarkaana la laalo heshiiski 17-ki September 2020-ka, iyadoo heshiiskii ahaa doorashada dadbanna loo beddelay doorasho qof iyo cod ah.

Go’aanka aqalka hoose waxaa ka dhalatay mucaaraddo xooggan oo sababtay iney ciidamo iyo maleeshiyaad muddo kordhinta diiddan iyo ciidamada dowladda uu iska hor imaad dhiig ku daatay dhex maray 25-kii bisha April.

James Swan warbixinta uu golaha ammaanka Khamiisti u soo jeediyey wuxuu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aqalka hoose ka dalbaday iney muddo kordhinta laalaan ayna taageeraan heshiiskii hirgelinta doorashada ee dowladda federalka la gaartay dowlad goboleedyada oo la saxiixay 17-kii September, wuxuuna sidoo kale baarlamanka ka codsaday ra’isul wasaare Rooble inuu hoggaamiyo diyaargarowa doorashada iyo tallaabbooyinka amniga doorashada la xiriira.

Taasoo horseedday in la gaaro heshiiskii 27-kii May ee ah iney dalka Soomaaliya sanadkan ka dhacdo doorasho dadban.

Mr Swan wuxuu golaha u sheegay “Kaddib muddo dheer oo hubanti la’aan ah oo ay taagnaayeen xiisado sii xoogeysanaya, ugu dambeeyn doorashooyinkii Soomaaliya e muddada dheer la sugayey ay hadda horay u dhaqdhaqeen inkasta oo ay kaddib dhacday xilligii loo qorsheeyay.”

“Xaqiijinta hannaan doorasho oo ku socota geeddi socod loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo, wuxuu u baahan doonaa dadaal joogta ah inay sameeyan dhinacyada ay quseysyo, gaar ahaanna dhinacyadi saxiixay hesiiskii 27-ka May,” ayuu yiri.

Swan wuxuu intaa ku daray in guddiyada doorashada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada la dhisay, afar dowlad goboleedna ay ka billaabatay doorashada xubnaha aqalka sare.

Gobolka Gedo sidi ay doorasho uga dhici lahaydna waxaa socdo wadahadallo ku saabsan arrintaas, iyada oo Ra;iisul Wasaare Rooble uu magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka ee gobolkaasi, dooorashada Soomaaliyana la filayo 30% in haweenka qoonda ahan loo siiyo.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay wuxuu sheegay “Inuu walaac ka qabo qoondada haweenka oo aan sidi la rabay u meel marin haddii aan la qaadin tallaabo adag oo la taaban karo.”

Soddan sano oo fowdo uu ku jiray dalka Soomaaliya oo ka soo bilalawday qabqablayaal dagaal, ilaa iyo kooxda Al-Qaacida xiriirka la leh ee al-Shabaa iyo ururka isku magacaabay khilaafada islaamka ee IS, hadda dalku waxa uu billaabay inuu waddada saxda ah ku soo noqdo.

Isagoo hadalkiisa sii wata Swan wuxuu sheegay “u diyaargarowga amniga doorashada uu muhiim yahay” sababtuna ay tahay weerarrada argagixisada ee al-Shabaab iyo holwlgallada kooxaha hubeysan ay bulshooyinka ku hareeyaan, gaar ahaanna Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Howlgalka siyaasadeed ee qaramada midoobay ee Soomaaliya ilaa iyo hadda waxay diiwaan geliyeen warbixinno ku saabsan 321 qof oo rayid ah in la dilay, iyadoo dadkaasi intooda badan loo aaneeyo Al-Shabaab.

“Sidoo kale waxaa sii kordhaya xadgudubyada galmada iyo kuwa carruurta loo geysto ee la diiwaan geliyey, arrimahaasina waa kuwa ay qaramada midoobay mudnaanta siineyso,” ayuu yiri Swan.

Danjire Francisco Madeira, oo ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya oo farriin ku saabsan Midowga Afrika golaha u jeediyey wuxuu yidhi: “Waxaa weli naga go’an inaan gacan ga geysanno xoojinta awoodda hay’adaha amniga ee Soomaaliya, taasoo aan u aragno habka kaliya ee Soomaaliya ay si joogto ah ula wareegi karto amniga dalkeeda.”

Dhawaan xafiiska Ra”isul Wasaaraha waxaa lala galay heshiis lagu xaqiijinayo in deeq bixiyeyasha iyo waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ku deeqaan dhaqaalihii doorashada lagu fulin lahaa si guddiga doorashooyinka uu u noqdo mid si adag howlihii loo igmaday ay uga soo dhalaalaan.

Ugu dambeyn, Swan wuxuu hoosta ku taliyay in la sii wado dadaallada wax looga qabanayo xaaladda bani’aadanimo ee murugsan ee Soomaaliya, oo ka dhalatay saameynta isbeddelka cimilada, gaar ahaanna abaaraha iyo fatahaadaha iyada oo ay taagan tahay halista joogtada ah ee ka imaneysa kooxda al-Shabab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here