Qaramada Midoobay oo safiir cusub u soo magacaabeeyso Soomaaliya

Simon Antonio Guterres

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo la hadlay Voa-da qeeybta dibadaha la hadasha ayaa sheegay in dhowaan safiir cusub ay u soo magacaabi doonaan Soomaaliya.

Antonio ayaa sheegay in madaxda Soomaalida uu ka hadlay sidii uu u soo magacaabi lahaa safiir cusub oo Soomaaliya kadib cayrintii safiirkii hore Nicklos Haysam.

Antonio Guterrea ayaa ka qaybgalaya shirka madaxda midowga Afrika oo ka furmaya magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

” Soomaaliya waxaan la yeelaneeynaa xiriir cusub waxaana ka caawineeynaa la dagaalanka Al-Shabaab, hadda Soomaaliya waa ay soo kabaneeysaa, waxaana rajeeyneeynaa in deymaha laga cafiyo” ayuu yiri Antonio guterra xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa dhowaan ceeyrisiyay Nichlos Haysom oo ahaa wakiilkii qaramada Midoobay ee Soomaaliya kadib markii dowladu ay sheegtay in uu ku xadgudbay qaranimada Soomaaliya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.