Qarax caawa Muqdisho ka dhacay oo dad badani ku naf waayeen

qarax muqdisho 2272019

Wararkii ugu horreeyey ee aan ka helnay khasaaraha qaraxii is-miidaaminta ee caawa ka dhacay maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof, ayada oo 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Xogta khasaraaha ayaa waxaa xaqiijiyey goobjoogeyaal iyo ilo-wareedyo amni. Adeegga gurmadka deg degga ah ee Amin Ambulance ayaa sidoo kale xaqiijiyey geerida 7 qof iyo dhaawaca 10.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey qof soo xirtay jaakad waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, kaasi oo gudaha u galay maqaaxida kadibna is-qarxiyey.

Gelato Divino ma lahan waardiye hubeysan, waxaana albaabka jooga qof haysta gacan dhawaaqa oo dadka mariya. Qofka is-qarxiyey ayaa markii uu yimid goobta oo la isku dayey in gacankaas la mariyo, wuxuu xoog ku helay goobta kadibna durba is-qarxiyey.

Gelato Divino ayaa markii weerarka uu dhacayey waxaa ka jira mashquul xooggan, ayada oo sidan oo kale habeenada Jimcaha ay tahay meel aad u mashquul badan.

Waxaa goobta ku badan shaqaalaha dowladda iyo dadka ka ag dhow. Waxaa xitaaa mararka qaar taga xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here