Qarax ka dhacay Gaalkacyo iyo Wararkii ugu dambeeyey

Gaalkacyo

Ugu yaraan afar ruux, oo laba ay askar yihiin, ayaa ku dhaawacmay Qarax miino oo saaka ka dhacay afaafka Xarunta Dowladda Hoose ee Gaalkacyo (Galmudug).

Goob-joogayaal ayaa sheegay, in Qaraxa uu ahaa miino la sii geliyay Fuusto qashin, oo taallay banaanka hore ee Dowladda Hoose, waxaana wakhtiga qaraxu dhacay daqiiqado ka hor gudaha Xarunta galay Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug, Cabdiraxmaan Sheikh Xassan.

Gudaha xarunta waxa la sheegay in shir uga bilaaban lahaa Maamulka degmada iyo xubnaha Golaha Degaanka Gaalkacyo, balse qaraxaas ayaa hakad geliyay Shirka.

Dhammaan waddooyinka gala xarunta Dowladda Hoose ayaa xiran, waxaana dadweynaha loo diiday in ay u soo dhowaadaan xarunta. Sidoo kale Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa loo diiday Goobta.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaas, inkastoo Al-shabaab lagu yaqaan weerarada noocaas oo kale ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here