Qarax kale oo saaka lala beegsaday Jeneraal Cali Gaab iyo khasaaraha ka dhashay

cali gaab

Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa saakay mar kale qarax lagula beegsaday gaari uu watay Janeraal Cali Barre Xersi (Cali Gaab) oo ah Taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Inta la xaqiijiyay laba qofood oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay qaraxaas, waxaana ka badbaaday bartilmaameedkiisii oo ahaa Jeneraal Cali Gaab, balse gaarigii uu watay ayaa waxaa soo gaaray burbur xoog leh, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxaas waxaa la sheegay in uu ahaa miino la dhigay wadada dhenaceeda, waxuuna si gaar ah uga dhacay xaafadda Afisiyooni ee degmada Waaberi.

Jeneraal Cali Gaab ayaa ah Taliyaha hoggaanka caafimaadka ee ciidanka Booliska Soomaaliya, sidoo kale waa Taliyaha xarunta barbaarinta agoonta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Todobaadii hore sidaan ayaa kale qarax loola beegsaday gaariga Jeneraal Cali Gaab, xlligaas oo uu marayey inta u dhaxeysa isbitaalada Banaadir iyo Madiina.

Jeneraalka ayaan xilligaas la socon gaariga, waxaana qaraxaas oo isana ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ilaalada Cali Gaab, halka seddax kalena ay ku dhaawacmeen, mas’uuliyadda qaraxaasna waxaa sheegtay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here