Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden

Qarax Gothenburg Sweden

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dhaawacay, oo ay ku jiraan afar xaaladdooda ay liidato, qarax maanta kala dhantaalay dhisme apartment ah oo ku yaalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa intaas u daray in qaraxa uusan u muuqan inuu ahaa mid kama’ ah, ayada oo dalkaas ay sanadihii dhowaa ka dhaceen qaraxyo ama isku dayo qaraxyo oo lala xiriiriyo kooxaha burcadda ah. 

Baaburta gurmadka deg degga ah, kuwa dab-damiska iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa ku cararay goobta qaraxa, sida ay muujinayaan muuqaallo ay baahiyey taleefishinada.

Waxa sababay qaraxa, oo dhaliyey dab ku baahiyey dhismaha badankiis, ayaan weli caddeyn. 

“Goobta waa la xiray, waxaana socda howlgal gurmad ah,” waxaa sidaas yiri Hans-Jorgen Ostler, oo ah afhayeenka booliska gobolka galbeed ee Sweden.

Wargeys kasoo baxa Gothenburg oo lagu magacaabo GP ayaa ilo-wareedyo boolis kasoo xigtay inay rumeysan yahay in walxo qarxo la dhigay mid ka mid ah marinada qolalka laga galo ee apartment-ga.

Isbitalka Sahlgrenska University, oo ah kan ugu weyn magaalada Gothenburg ayaa la dhigay 20 qof oo ku dhaawacmay qaraxa iyo dabkii ka dhashay ee xigay, sida ay sheegtay Ingrid Fredriksson oo dhanka warbaahinta u qaabilsan.

Afar ka mid ah dhaawaca, oo kala ah saddex haween iyo nin, ayaa xaaladdoodu ay aad u liidataa sida ay sheegtay Fredriksson.

Dadka degan apartment-ga ayaa taleefishinka TV4 u sheegay in qaraxa uu waxyeello xooggan gaarsiiyey dhismaha.

Sweden ayaa sanado badan la xarbineysay inay ka hortagto sare u kaca dambiyada xiriirka la leh burcadda hubeysan, kuwaas oo sare u qaaday dilalka iyo qaraxyada ka dhaca dalkaas, oo sidiisa kale ah mid nabdoon.

Sanadii 2020, booliska ayaa diiwaan geliyey 107 qaraxyo yar yar ah oo ka dhacay dalkaas, oo ay ku nool yihiin 10.3 milyan oo qof, iyo sidoo kale 102 isku day qaraxyo ama diyaarintooda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here