Qaraxyo wadada loo dhigay gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida

xasan cali nuur shuute

Sida ay sheegeen saraakiil amaan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaa lagu guuleystay in wadada isku xiriirisa magaalooyinka Doolow iyo Beled Xaawo ee gobolka Gedo laga soo saaro qaraxyo.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in qaraxyadaan oo nuuca culus ah laga soo bixiyay wadada maalintii talaadada oo ay taariikhdu ku beegneed 15/09/2020.

Waxaa la rumeysan yahay in qaraxyadaan lala damacsanaa gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hogaaminayo oo halkaas ku sugan.

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa gobolka Gedo u jooga maxkamadeynta eedeysanayaal la tuhunsan yahay iney ka tirsan yahiin ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa ku xoogan deegaanada gobolka Gedo, waxeyna halkaas dagaal kula galaan ciidamada Shisheeye iyo kuwa Soomaaliya, waxeyna sameeyaan dagaalo fool ka fool ah iyo qaraxyo ay dhigaan wadooyinka.

12 bilood ka hor ayaa la xasuustaa in gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida uu ka badbaaday isku day qarax wadada la dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here