Khubarada baarta cilmiga la xidhiidha taariikhaha dadkii hore ee soo maray adduunka ayaa helay wax ay ku tilmaameen caddeyn muujineysa qasri “si qurux badan loo dhisay” oo lagu qiyaasayo in la isticmaali jiray xilligii boqortooyadii Yahuudda ee Biblical ay ka arrimineysay magaalada Qudus.
Dhagaxyo aad loo xardhay oo ka mid ah haraadiga qasrigaas ayaa laga helay meel qiyaastii 3km (2 mayl) dhinaca koonfureed ka xigta xaafadda qadiimiga ah ee magaalada Qudus ee loo yaqaanno Old City.
Khubarada ayaa sheegay in haraadiga dhismahan iyo caddeymaha muujinaya qasrigaas la aasay muddo 2,500 oo sano ah ka hor, sababta sidaas loo sameeyayna aan ilaa hadda la garaneynin.
Qasrigan ayaa loo maleynayaa in la dhisay qiyaastii qarnigii 8-aad ama 7-aad ee dhalashada ciise ka hor.
Qeybaha dhismaha ee laga helay goobta maanta loo yaqaanno xaafadda Bariga Talpiot, sidoo kalena loo yaqaanno Armon Hanatziv, waxaa la socda dhagaxyo wajahadda hore ee qasriga muujinaya iyo daaqado la wada xardhay.
“Dhagaxyada uu ka sameysnaa qasriga ee la helay waxaa lagu aqoonsaday boqortooyadii ugu horreysay Yuhuudda ee jirtay muddadii u dhaxeysay [qarnigii 10th-6th ee taariikhda BC], waana dhismihii ugu quruxda badnaa ee ilaa hadda la helo,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay Hay’adda baadhitaanka cilmiga taariikhda dadkii hore ee Israa’iil, oo magaceeda loo soo gaabiyo (IAA).
Hay’adda IAA ayaa sheegtay in ay “aad ula yaabtay” in dhagaxyada qaarkood loo aasay si habeysan oo cajiib ah, oo midba midka kale dusha laga saaray”.
“Hadda wali way adagtahay in la sheego cidda dhagaxyadan qarisay, marka loo eego qaabta loo helay, lama oga sababta loo xaseeyay,” ayuu yidhi Barfasoor Yaakov Billig, oo ah agaasimaha howlgalkan. “Laakiin wax shaki ah kuma jiro in arrintani ay tahay waxyaabaha mucjisada ah ee goobtan lagu arko, waana u raadin doonnaa xal lagu ogaado xaqiiqda jirta.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Barfasoor Billig wuxuu sheegay in dhismahan weyn ay suurtagal tahay in la burburiyay intii uu socday howlgalkii milatari ee magaalada Qudus ka dhacay markii ay taariikhdu ku beegneyd 586 BC.
Hay’adda IAA waxay shegtay in dadkii ku noolaan jiray qasrigan ay si fiican u daawan jireen meesha maanta loo yaqaanno Wadi Hilweh iyo waliba masjidka ay muslimiinta u yaqaannaan Xaram Al-Shariif, Yuhuudduna u yaqaannaan Macbadkooda.
Dadkii halkaas dagganaa waxaa laga yaabaa inay ahaayeen mid ka mid ah boqorradii Judah ama qoys kale oo maalqabeenno ah, sida ay sheegtay Hay’adda IAA.
Astaamaha ka muuqda dhagaxyada waxay aad ugu egyihiin astaanta lacagta ay maanta Israa’iil isticmaasho ee shekel, waliba birta shanta shekel.