Qatar iyo Turkiga maxay ka dhaheen doorashada Xasan Sheekh Maxamuud?

0
wasiirka arimaha dibada turkey

Turkiga ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Warqad kasoo baxday safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Turkiga ay sii wadi doonto taageerada dhinaca amniga iyo horumarka dalka.

Safiirka Turkiga ee Muqdisho ayaa la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ku cad sawir lasoo dhigay barta Twitter-ka.

Dhinaca kale, dowladda Qatar ayaa u hambalyeeysay Xasan Sheekh isla markaana sheegtay inay sii xoojin doonto xiriirka iskaashi ay la leedahay Soomaaliya.

Warbaahinta dowladdana waxay baahisay hambalyada Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here