QM oo bogaadisay go’aankii Madaxweyne Farmaajo

united nations flag

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay go’aankii madaxweynaha Soomaaliya iyo shirka uu ku baaqay ee dhowaan ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.

Qoraalka oo la soo la soo dhigay barta Twitterka ee xafiiska UNSOM ayaa waxaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay boggaadineyso go’aankaasi, islamarkaana ay soo dhoweyneyso shirweynaha 1-da illaa 3-da bisha soo socota ka dhacaya Galmudug.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed inay la yimaadaan is-faham iyo isu-tanaasul, si xal mideysan looga gaaro doorashooyinka.

“Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxay soo dhoweynyaa go’aankii madaxweyne Farmaajo ee ahaa iclaaminta shirka Dhuusamareeb, madaxda Soomaalida waxaan ku boorineynaa in ay la yimaadaan is faham iyo isutanaasul si deg deg loogu dhaqan geliyo heshiiskii 17 ee doorashada ku saabsanaa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirka Dhuusamareeb oo noqonaya kii ugu dambeeyey ayaa waxaa la filayaa in go’aan kama dambeys ah looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashooyinka dalka.

Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo kala guur ah, iyada is jiid jiidka jira uu sameeyey doorashada oo dib uga sii dhaceysa waqtigii loo asteeyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here