QM oo shaacisay in wadahadallo hoose ay u socdaan Soomaaliya iyo Somaliland

james swan

Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, oo khudbad ka jeediyey kulan Golaha Ammaanka ee QM uu ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, isagoo ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin wadahadalka Somalia iyo Somaliland iyo doorashooyinka Somalia.

Waxaa uu si gaar ah uga hadlay xaalada cudurka COVID-19 ee Somalia iyo taageerada ay arrintaas ka geysatay Qaramada Midoobay.

“Soomaaliya, sida adduunka intiisa kale, waxay diiradda saareysaa la dagaallanka masiibada COVID-19. Soomaaliya waxaa laga helay in ka badan 1,500 oo kiis inkasta oo tirada dhabta ah ay dhab ahaantii aad uga badan tahay intaas” ayuu yiri James Swan oo intaas ku daray in cudurka uu saameyn xum ku yeeshay dhaqaalaha Somalia oo buu yiri sameeyey hoos u dhac.

Mar uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay in Somalia ay haatan u diyaar garoobeyso qabashada doorashooyinka xiliga kala guurka.

“Soomaaliya waxay dejisay ahmiyadaha qaran ee mustaqbalka 2020. Kuwaas waxaa ka mid ah qabashada doorashooyinkii tooska ahaa ee ugu horreeyay ee ka dhaca Soomaaliya ilaa iyo 1969. doorasho hal-cod iyo hal qof  ah waxay noqon doontaa talaabo taariikhi ah dib-u-dhiska Soomaaliya waxayna gacan ka geysan doontaa horumarka dalka ee dimoqraadiyadda, Toddobaadyada soo socda waxay noqon doonaan kuwo go’aamiya sida ay Soomaaliya uga sii gudubto doorashooyinkaas” ayuu yiri wakiilka QM

Dhinaca kale, James Swan  ayaa shaaca ka qaaday inay wada-hadallo u socdaan dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, isaagoo xusay in labada dhinacba ay doonayaan in lasii hormariyo wada-xaajoodyada soconaya.

“Arrimaha xiriirka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa na dhiiri-gelinaya in wada-hadallo heer sare ah ay socdaan, isla markaana labada dhinac ay muujiyeen inay ka go’an tahay inay joogteeyaan xiriirka ayna sii raadiyaan wada-xaajoodyo dheeraad ah,” ayuu yiri James Swan.

Faah-faahin intaas dheer kama bixin, James Swan mana cadda qaabka ay u socdaan wada-hadallada hase ahaatee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa isku soo dhowaanayey wixii ka dambeeyey markii Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Muuse Biixi ay ku kulmeen xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ee magaalada Addis Ababa dhowr bilood ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here