QM oo shaacisay qorshe $500 milyan ah oo loogu talo-galay COVID-19-ka Soomaaliya

united nations flag

QM ayaa shaacisay qorshe raadinaya 500 oo milyan oo dollar oo loogu diyaar-garoobayo ka fal-celinta cudurka Coronavirus ee Soomaaliya iyo saameynta bini’aadamnimo iyo midda dhaqan-dhaqaale ee uu keenay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka.

WAR SAXAAFADEED

QORSHAHA U DIYAAR GAROWGA IYO KA FALCELINTA COVID-19 EE SOOMAALIYA

Maanta, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada kale waxay daaha ka rogeen Qorshaha U-Diyaar Garowga iyo Ka falcelinta Covid-19 (Country Preparedness and Response Plan-CPRP) ee Soomaaliya si loola tacaalo saameynta bini’aadamnimo iyo midda dhaqan-dhaqaale ee uu keenay xanuunka Koroona Fayras

Saameynta Koroona Fayras waa mid aad u daran” ayuu yiri Mr. Adam Abdelmoula, Ku xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ahna Iskudubbaridaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya. “Ahmiyadda koowaad waxay tahay in laga taxaddiro in xanuunku uu u faafo si xad dhaaf ah ayadoo loo marayo in qatarta cudurkani leeyahay dadka lo sheego, dadkana laga baaro xanuunka iyo weliba in dabaggal lagu sameeyo dadka la macaamilay qof xanuunkan lugu arkay.

Ilaa markii Soomaaliya ay xaqiijisay xaaladdii ugu horreysay ee Koroona Fayras 16 Maarso, kiisasku waxay noqdeen kuwo iska soo daba dhacaya cirkana isku sii shareeraya ilaa ay gaareen 286 xaaladood 22kii Abriil. Dadka xanuunkani soo ritay waxaa ka mid ah 15 howlwadeenno caafimaad ah. Muddadan, cudurkan saf mareenka ah wuxuu saameeyay dhaqaalaha iyo hab nololeedka; waxaa hoos u dhacay badeecadihii dibedda laga keeni jiray, maciishadda ayaa sara u kacday, lacagihii Soomaaliya loo soo diri jirayna hoos ayay u dhaceen, xirnaashaha dugsiyada ayaa saameyn ku yeelatay ku dhowaad 1 milyan oo caruur ah.

Qorshahan oo loogu talo galay in lugu howl galo lix ilaa sagaal bilood, wauxuu u fududeynayaa hay’adaha samafalka iyo kuwa horumarintaba iney dib u eegaan mashaariicdooda lana jaanqaadaan xaaladaha is bedbedalaaya iyo weliba iney sara u qaadaan howlaha ay hayaan si loo yareeyo saameynta xanuunka COVID-19. Ujeeddadu waa iney is dhameystiraan gargaarnka samalka ah, mashaariicda horumarinta iyo dhismaha nabadda. Qorshahan fulintiisa wuxuu dhameystirayaa qorshayaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed uga jawaabeyso faafitaanka xanuunka Koroona Fayras

Waxaan si dhow ula sahqeyneynaa Dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo saaxiibbada kalaba si mashaakilkan aan horay loo arkin loola tacaalo,” ayuu yiri Mr. Abdelmoula. “Waxaan ugu yeerayaa deeq bixiyaasha iney taageeraan qorshahan soona dedejiyaan kaalmadooda si hay’adaha samafalka ay ugu suurtagasho iney sara u qaadaan gurmadka ku aaddan xanuunka COVID-19.”

Qorshaha CPRP wuxuu raadinayaa adduun lacageed oo gaaraya US$500 oo milyan. Wuxuu mhiimad siinayaa dadka aadka u nugul oo ay ku jiraan 2.6 milyan oo qof oo ku barakacsan gudaha waddanka, kuwaas oo ku nool xerooyin ama kaamam isku raran ah oo gaaraya ilaa 2,000 oo kaam oo ay adagtahay iney helaan adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka iyo fayadhowrka. Qorshuhu wuxuu sidoo kale tixgelin siinayaa dadka da’da ah-oo ku dhowaad boqolkiiba 2.7 ka ah dadka Soomaaliyeed-iyo dadka saboolka ah ee ku nool magaalooyinka kuwaas oo saameynta ugu xun uu ku yeelan karo xanuunka Koroona Fayras.

Safmareenka Koroona Fayras wuxuu ku soo aaday xilli Soomaaliya ay la daalaa dhaceysay mashaqooyin bini’aadamnimo oo dabadheeraaday, oo ay sababeen sannado colaado ah, isbedello dhanka cimilada ah iyo faqri aad u baahay. Sannadkan waxaa xaaladda uga sii daray cudurro, fatahaado la saadaalinayo iyo ayax ku habsaday dhul ballaaran. Qorshaha CPRP oo dhameytiran halkan ka soo rogo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here