QM oo war cusub kasoo saartay doorashada Somalia

james swan

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Somalia iyo doorashooyinka, kadib wareysi uu siiyey Telefishinka Al-Jazeera.

James Swan ayaa wareysigan ku sheegay inay muhiim tahay doorashada soo socota lagu qabto waqtigii oo la asteeyey oo ah dhammaanka sanadkan iyo kan xiga ee 2021.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la dhaqan-geliyo heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ku aadan doorashooyinka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo sii hadlayey ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha uu yahay in dhammaadka sanadkan diyaarinta xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo tilmaamay inay taasi tahay howsha ugu culus oo haddii laga gudbo doorashada madaxweynaha fududeyneyso.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey jeediyay in si wadajir looga shaqeeyo ilaalinta nabad-galyada iyo in laga wada-shaqeeya doorashada oo afartii sanaba mar la qabto.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli is-mari waa uu ka taagan yahay arrimaha doorashada, gaar ahaan guddiyadeeda oo ay walaac ka muujiyeen midowga musharaxiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here