QM oo war kasoo saartay shirka madax goboleedyada ee ka dhacaya Dhuusamareeb

united nations flag

Xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa ka hadlay shirka ay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya dhowaan ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

UNSOM ayaa barta twitter-ka soo dhigay qoraal ay Qaramada Midoobe kusoo dhaweyneyso shirka ay maamul goboleedyada ku qabsan doonaan Dhuusamareeb.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in shirka gaarka ah ay yeelanayaan maamul goboleedyada uu hordhac u yahay shirkii uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee looga hadlayo Doorashooyinka, Xasilloonida iyo dib u eegista dastuurka.

“Xafiiska Qaramada Midoobey wuxuu soo dhaweynayaa shirka ay qorsheeyeen dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ee ka dhacaya Dhuusamareeb, kaas oo hordhac u ah shirweynaha dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo looga wada xaajoonayo arrimaha aas-aasiga ah ee muhiimka u ah qaranka oo ay ka mid yahiin: Doorashooyinka, xasilloonida iyo dib u eegista dastguurka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalka kasoo baxay Qaramada Midoobey ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ay ku heshiiyeen iney 9-ka bishaan ku kulmaan magaalada Dhuusamareeb si ay uga wada hadlaan masiirka siyaasadda dalka iyo sidii ay uga qeyb gali lahaayeen shirka amniga qaranka.

Iyadoo uu jiro saluug siyaasadeed oo ay qabaan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa hadana laga dhaadhiciyay iney gaaraan Galmudug si looga wada hadlo arrimo badan iyo sidii loo dar-dar galin lahaa arrimaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here