Qofkii ugu horeeyay oo gudaha Somaliland ugu geeriyooday COVID-19

Coronavirus2

Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay si rasmiya u shaacisay goordhoweyd oo maanta ah in gudaha deegaanadeeda uu qofkii u horeeyay ugu geeriyooday cudurka faafa ee Coronavirus/Covid-19.

Wasiirka caafimaadka Somaliland oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay in qofkii u horeeyay uu cudurkaasi ugu geeriyooday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qofkaasi ayaa shalay lagu aasay magaalada Boorama, iyada oo loo aasay qaab ka duwan sidii hore loogu aasi jiray dadka, iyada oo meydkaasi aaseen koox xidhneyd dharkii loogu tala-galay Coronavirus.

Wuxuuna kamid ahaa dad dhowaan looga shakisanaa cudurkaasi oo dheecanadiisa loo diray dalka dibediisa, si loo xaqiijiyo in uu qabo iyo inkale, inkasta uu geeriyooday iyada oo aysan iman jawaabtu shalay, haddana maanta ayaa si rasmi ah loo shaaciyay in natiijada kasoo baxday baaritaankiisa looga helaya cudurka Coronavirus.

Waana qofkii ugu horeeyay ee gudaha Somaliland ugu dhinta cudurkaasi, iyada oo la sheegayo inuu ahaa Wiil dhalinyaro ah.

Somaliland ayaa wajaheysa khatar hor leh oo cudurka Coronavirus ah, xili ay maanta shaacisay in Boorama uu qofkii u horeeyay ugu geeriyooday cudurkaasi, iyada oo ay aadna u hooseyso tayada caafimaad ee maamulkeedu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here