Qoor Qoor oo magacaabay xubnaha guddiga doorashada (Aqriso Magacyada)

xilwareejin xaaf qoorqoor1

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa goordhoweyd oo maanta ah xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta u gudbiyey liiska xubnaha bedelka ah ee cabashada laga soo gudbiyay.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa lagu magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ku meteli doona maamulka Galmudug, kuwaas oo gaaraya afar xubnood.

Xubnaha lasoo bedelay ee afarta ah ayaa saddex kamid ah qeyb ka noqonayaan Guddiyada heer Dowlad Goboleed SEIT iyo xubin Xalinta Khilaafaadka.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa noqonaya maamulkii u dambeeyay ee soo gudbiya bedelka xubnaha guddiyada doorashooyinka ee cabashada laga keenay, kuwaasi oo guddigii xaqiiqo raadinta ee ra’iisal wasaaraha u magacaabay ku heleen eedeymihii loo jeediyay.

1. Yahye Cismaan Gedi = SEIT
2. Mahad Abdullahi Mahamud = SEIT
3. Hawo Adan Yare Culusow = SEIT
4. Ayan Abdirahman Mahamud = FEIT (Guddiga Xalinta Khilaafaadka)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here