Qoraal ku saabsan musalsalka “Khaalid Bin Waliid” oo uu Twitter-ka ku baahiyey ayaa weriyaha Sucuudiga ah ee Cabdallah Waafiyah u soo jiiday dhaliil badan waxaanu dhaliyey dood ku saabsan aflaamta taariikhda ah gaar ahaan kuwa ka hadla nolosha saxaabada.
Weriyahaa Sucuudiga ahi wuxuu qoraalkiisaa uu maalmo ka hor faafiyey isku weydiiyey su’aal ah faa’iidada ku jirta in la soo saaro musalsal ku saabsan saxaabiga Khaalid Bin Waliid “wakhtigan uu is bedelayo fahamka dadku”
Waxaanu qoraalkiisu u dhignaa “muxuu soo kordhinayaa gaar ahaan iyada oo ay jiraan dhacdooyin naxdin leh oo aan la jaan qaadayn xiligan loo jihaystay maan furnaanta iyo in la iloobo taariikhdii dhiigga iyo dagaalka….waxaan rajaynayaa in musalsallada noocan ah iyo waxa la midka ah ee arimaha noocaas ah ka hadlayaa ay joogsadaan”.
Hadalkaa Waafiyah dad badan ayuu ka cadhaysiiyey waxaanu dhaliyey hadallo badan oo cadho leh oo lagu dalbanayo in ninkaa sharciga la horgeeyo.
Waxaanay dadka Twitter-ka adeegsadaa bilaabeen hal-qabsi ay maamulka Sucuudiga kaga dalbanayaan in ay lama guraan tahay in ay arintaa wax ka qabtaan oo qoraagaa la xidho.
Dadkaasi waxay qabaan in qoraalka Waafiyah yahay af-lagaado loola badheedhay Islaamka iyo hal-doorkiisa, waxaanay sheegeen in af-lagaadadaa uu diinta ula badheedhay ka dhalatay in “aan maamulka Sucuudigu wax tallaaba ah ka qaadin isaga iyo ciddii waxan uga horraysay ba”.
Dhanka kale, dadka qaarkood ayaa bogaadiyey ku dhaca qoraaga ee ah inuu soo bandhigo aragtidiisa ku saabsan “xoraynta maanka” waxaanay dadka isaga dhaliilaya ku eedeeyeen in ay doonayaan “deminta ilayska cilmiga” waa siday hadlka u dhigeene.
Waayadan dambe waxa dalka Sucuudiga ka socday doodo kulul oo u dhaxeeya labada qaybood oo midkood doonayso in la curiyo faham diineed oo cusub oo la jaan qaadaya casrigan la joogo. Halka qaybta kalena ay u arkaan dooddaa aflagaado loola badheedhay qiyamka Islaamka iyo arkaantiisa sugan.
Taariikhda ha lagu sidko duruufihii waayadaa jiray
Ma aha wax cusub hadalkan ka taagan musalsalka Khaalid Bin Waliid ama musalsallada kale ee taariikhda shakhsiyaadka ka hadlayaa. Laakiin waxa hubaal ah inuu badanaa noqdo dood kulul oo dhinacyo diimeed, siyaasadeed iyo taariikheedba yeelata.
Xataa intaan la soo bandhigin filimkan, waxa shirkadda soo saartay ee Masar laga leeyahay oo la yidhaa Synergy loo soo jeediyey dhaliilo badan ka dib markii ay shaacisay in ay filim ka samaynayo saxaabigaa caanka ah.
Bilowgiiba dadka qaar ayaa diiday in filimka lagu muujiyo saxaabiga iyo sidoo kale in loo doorto jilaaga reer Masar ee Camr Yuusuf inuu metelo shakhsiyada Khaalid, markii dambe se waxa kaalintaa la wareegay oo metelay saaxiibkii Yaasir Jalaal oo qudhiisu markii dambe ka cudur daartay musalsalka.
Si uu dadka uga shaki saaro arinta ayaa soo saaraha filimku waxa uu sheegay in qisada filimka laga soo qaatay buugga uu qoray abwaankii reer Masar ee Cabbaas Maxmuud Al-Caqqaad ee la yidhaa “Garaad Badnidii Khaalid”.
Waxa sidoo kale isna ka hadlay arinta Sheekh Asraf Sacad oo ka mid ah culimada Al-As-har oo banneeyey in la meteli karo shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid, taas oo uu doonayey inuu ku dejiyo xiisadda taagan oo uu ku soo af-jaro doodda ka taaganayd in la meteli karo shakhsiyadda saxaabada.
Laakii mar kale ayey musalsalkaa hadana dooddiisu soo noqotay ka dib markii shirkadda soo saaraysa ay ku adkaysatay in ay dhamaystiri doonto filimka, waxaanay xataa isku rogtay ba in xataa laga doodo taariikhda shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid qudhiisa.
Dadka Muslimiinta ahi waxay ka haystaan aragti ka duwan xaqiiqdii waayadaa hore jirtay ee taariikhda waxaanay ka duwantahay dhinacyada ay ka eegaan iyo qaabka ay u soo bandhigayaan qoreyaasha qisooyinka filimadu taariikhsdaas. Waana arinta inta badan keenta in su’aalo la iska weydiiyo shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid iyo sooyaalkiisa.
Waxa jira dad u arka inuu ahaa hogaamiye milatari oo aan cid loo dhigaa jirin iyo nin caddaaladeed oo guulo badan u soo hooyey Islaamka cadowga dawladda Islaamkuna ka cabsan jireen, iyo sidoo kale qaar u arka inuu ahaa nin shar wade ah oo dhiigya cab ahaa.
Ka sokow qoraaga reer Sucuudi ee Cabdallah Waafiyah, waxa iyaguna jira dad badan oo diidan in la soo bandhigo shakhsiyadda hogaamiyahaa caanka ah.
Dad badan oo ka mid ahina waxay daliishanayaan qoraallo uu waa hore Twitter-ka ku baahiyey saxafiga reer Masar ee Ibraahim Ciisa oo lagu tiriyo inuu yahay dadka ugu cadcad ee aragtidaa qaba.
Markii la shaaciyey in filimkaa la samaynayo sannadkii hore, ayuu saxafigaasi ku baaqay in la joojiyo isaga oo ku dooday inuu noqonayo “aragti qofka Muslimka ah xasuusinaysa in wadada keliya ee loo mari karo in khilaafadii la helaa tahay dagaal”.
Dadka taageersan in la joojiyo samaynta musalsalkan ayaa waxay dood ka dhigtaan dhacdooyin dad badani ay shaki geliyeen sugaantooda.
Waxaana ka mid ah dhacdadii “Maalik Bin Nuwayra” ee ku kaliftay Khaliifkii Cumar Bin Khaddaab inuu la xisaabtao Khaalid Bin Waliid oo uu ka casilo hogaanka ciidanka. Waxaanay dhacdadaasi sheegaysaa in Khaalid Bin Waliid isaga oo aan wax eeda ku hayn uu dilay Maalik afadiisiina guursaday.
Dhanka kale, dadka difaacaya hogaamiyahaa Muslimka ahaa waxay sheegaan in ay jirto koox “ka hogaan furatay Islaamka oo ay saameeyeen Mustashriqiintu” waxaanay ku eedeeyaan in ay dhacdooyin been ah oo taariikhda Muslimiinta dhaawacaysa ku sheegaan.
Waxa se jira koox saddexaad oo aad mooddo in ay caqli saliim ah ku eegayaan arinta, waxaanay ku baaqayaan in taariikhda lagu noqdo oo lagu akhriyo maan tixgelinaya duruufihii siyaasadeed iyo bulsho ee jiray waagaa intaan Khaalid Bin Waliid hogaamiyenimadiisu shaacbixin si loo fahmo waxyaabihii qaabeeyey shakhsiyaddiisa.
Isagoo arintaa ka duulaya ayaa dadkaa mid ka mid ahi qoray “taariikhdu khuraafaad uun bay iska noqonaysaa hadii aan lagu kabin caddaymo badhax la’ oo aan siyaasadaysnayn. Waa loo baahan yahay in la soo bandhigo shakhsiyadda Khaalid iyo shakhsiyaad kale oo taariikhda ku suntan, laakiin waxa muhiim ah in qaabka loo soo bandhigayaa noqdo mid aan buunbuunin iyo liidid midna ahayn. Maxaa ku jaban in la metelo shakhsiyad taariikhda ku suntan iyada oo siday tahay loo soo bandhigayo same iyo xumaanteed ba?”.
Ma aha markii ugu horraysay ee taariikhda Khaalid Bin Waliid laga sameeyo filim, waxa kan ka horeeyey musalsal uu sannadkii 2006 ka sameeyey hogaamiyahan milatari ee Muslin ka ah soo saaraha aflaamta ee reer Urdun Maxamed Casiisiyah oo ay metalaadiisa ka qayb galeen jileyaal carbeed oo badani.
Waxaana musalsalkaasi ka koobanyahay laba marxaladood oo ay shakhsiyadiisa metelayaan labada xidig ee reer Suuriya ee kala ah Baasim Yaakhuur iyo Saamir Al-Masri.
Sidoo kale shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid waxa lagu soo bandhigay musalsalka “Qamar Banii Haashim” ee ka waramaya siirada Nebi Muxammad.
Sidoo kale jilaaga reer Falastiin ee Maxmuud Saciid ayaa isna metelay shakhsiyadda Khaalid Bin Waliid oo qayb ka ah filimka Al-Risaala, halka sidoo kale uu ku metelay jilaaga reer Suuriya ee Mihyaar Khaduur musalsalka “Cumar”.