R/W Rooble oo soo saaray qoraal culus oo ku socda madax goboleedyada

maxamed xuseen Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta qoraal loogu yeeray mid xusuusin ah u kala diray madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madax goboleedyada Goboleedyada lagu xusuusiyay in la dhaafay waqtigii loogu tala-galay soo magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Guddiga xalinta Khilaafaadka.

Maxamed Rooble ayaa Madaxda maamulada ka dalbaday inay xubnaha labada Guddi ku soo magacaaban si waafaqsan shuruucda haraaca lagu heshiiyay, iyadoo la tixgelinayo heshiiskii laga gaaray Doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa ee 2020/2021.

Heshiiska ayaa waxaa ku dhigan in xubnaha laga soo magacaabo 10-ka illaa 20-ka October, taasi oo macnaheedu yahay in madax goboleedyada ay weli haystaan saddex beri oo kale.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madax goboleedyada ka Codsaday inay ugu dambeyn Magacyada xubnaha labada Guddi soo gudbiyaan 20-ka Bishan Octoober 2020, iyadoona la tix-gelinaayo ka qeyb galka Haweenka.

Inkasta oo Rooble u muuqdo inuu ilaalinaya heshiiska doorashooyinka iyo sidii uu waqtigiisa ugu fuli lahaa, ayaa haddana waxaa xusid mudan inuusan weli dhisi xukuumaddii dalka gelin lahayd doorasho.

Hoos ka aqriso qoraalka Rooble

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here