R/wasaaraha Itoobiya Iyo Kulankii uu la yeeshay Amiirka Qatar

abiy axmed iyo sheekh tamim-bin-xamad Al thani

 Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed oo Booqasho Rasmiya ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan la qaatay Amiirka dalkaasi Sheekh Tamim Bin Xamad Al-thani.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xoojinta Xidhiidhka labada dal iyo Sidii Wada shaqayn Buuxda loo yeelan lahaa, Waxaana la isku Afgartay inta badan waxyaabihii laga wada hadlay.

Shacab badan oo kasoo jeeda dalka Itoobiya ayaa ka shaqaysta dalka Qatar, Waxaana labada dal ka dhexeeya Xidhiidh wanaagsan oo soo jireen ah.

Dawladda Itoobiya ayaa kamid ahayd Dawlada aan waxba ka badalin Xidhiidhkii kala dhexeeyay dalka Qatar, Xiligii Cunaqabataynta la saaray, Waana Booqashadii ugu horaysay ee raysal waare Abiye intuu Xilka Qabtay uu ku tago dalka Qatar.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.