Raaligelin miyaanay mudnayn dhibaatooyinkii Kacaankii ka geystay Gobolada dhexe

1
Gaalkacyo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta raaligelin caato ah oo kala dhiman ka bixiyey dhibaatooyinkii ay geystay Dawladda Kacaanku ka geysatay degamadii ay Jamhaddii SNM ka dagaalamaysay ee Burco iyo hargeysa, isagoo iska indho tiray dhibaatooyinkii iyo burburintii ay Dawladii Kacaanku ka geysatay degaamada kala ee Somaliya sida qaar ka mid ah degaamadda Puntland.

Degaamadaas oo Jamhaddii SSDF ka hawlgashay ayaa ah kuwii ugu horeeyey ee Dawladdii Kacaanku xoog ku muquunisay, iyadoo gaadhsiisay dhibaato iyo burbur xoog leh.

Sidoo kale wuxuu duudsiyey dhibtii ay geysteen Jamhaddii dagaalamayey ee dalka burburiyey, iyo xadgudubyaddii dhacay kacaankii ka dib, sida xasuuqii ka dhacay degaanka Kalshaale oo Buuhoodle ka tirsan, halkaas oo Ciidamada Somaliland ku dileen ama ku dhaawaceen boqolaal xoola-raacato ah.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu bixiyey raaligelin caato ah oo kala dhiman oo ay haboonayd in marka hore cidkasta oo wax tirsanaysaa ay tabashadeeda soo bandhigto, dabadeedna raaligelin loo midaysan yahay la soo saaro.

1 COMMENT

  1. cadowgii somaliland ee diidana madaxbanaanida ma waxay ku waabariisteen waaga cusub ee farmaajo u baryay?

    farmaajo dhayal kuma bixin ee waa cusub ba u baryay, dagaalkii siyaasada waanu kaga adkaanay. indhihiiso shan ah baa muuse meeqaamkiisa mid ka fiican loogu qaabilay.

    hadal iyo awood uu ku hor istaago ma hayn sidaa awgeed waa garwaaqsaday gabalkii riyadii xamar inuu dhacay, somaliland na cadceed wacan usoo baxday guulaysatayna.

    viva somaliland republic, live long forever somaliland republic

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here