Rabshado hor leh oo ka dhacay masaajidka Al Aqsa

falastiini mudah qaza

Qalalaase hor leh ayaa dhexmaray booliska Israa’iil iyo shacabka Falastiini ah kaas oo ka dhacay masaajidka Al Aqsa ee ku yaalla Qudus ka hor qorshaha ku aadan dabaaldegga maalinta qarannimada oo ay xusayaan shacabka Israa’iil.

Dibadbaxyaasha ayaa dhagxaan ku gooyay afaafka hore ee saldhig boolis ah oo ku yaalla Qudus halkaas oo booliiska Israel ay ku ridayeen rasaas cinjr ah ah iyo bam gacmeedyo, sida ay wararka sheegayaan.

Boqolaal Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 20 kamid ah booliska Israa’iil ayaa ku dhawaacmay rabshadihii saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay masjidka Al Aqsa.

Waxaana laga cabsi qabaa in maanta ay mar kale halkaas ka dhacaan rabshado hor leh, Waxaa sii kordhaya khalalaasaha oo markii hore ka dhashay qoysas Falastiiniyiin ah oo laga saaray xaafad ay deganayeen oo daris la ah misaajidka.Article share tools

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here