Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carta Qaalib oo geeriyooday

Cumar Carte qaalib

Waxa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Carta Qaalib oo sidoo kalena mar soo noqday Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Cumar Carte Qaalib ayaa bilihii u dambeeyay ku xanuusnaa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaasi oo dhawaan ugu safray wiilkiisa Maxamed Cumar Carte, oo kamid ahaa xildhibaanada golaha shacabka, balse iska casilay.

Cumar ayaa Allaha unaxariiste waxa uu xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya soo qabtay bur-burkii kadib gaar ahaan dowladii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Geerida Cumar Qaaliba ayaa sidoo kale wax war kasoo saartay dowladda federaalka Soomaaliya, oo iyadu ka tacsiyadeeysay, isla markaana ku sifeysay inuu ahaa Oday guurti ah oo door muuqda kaga jiray sooyaalka dalka.

Ra’iisal wasaare kuxigeenka dalka oo ku hadlayay afka xukuumada ayaa sheegay in marxuumku uu tacab badan gashay dalka, isagoona xusay in uu si wadaniyad iyo daacadnimo leh ugu adeegay umadda Soomaaliyeed

“Waxaan tacsi u dirayaa Qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allahu naxariistee marxuum Cumar Carte Qaalib. Wuxu ahaa Oday guurti ah oo door muuqda kaga jira sooyaalka dalkeenna. Wuxu soo noqday Ra’iisalwasaare sidoo kale Wasiirkii arrimaha dibadda,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka.

“Marxuumku tacab badan ayuu gashaday dalkiisa, wuxuuna ka qayb qaatay dib u heshiisiinta dadka, si waddaniyad iyo daacadnimo leh ayuuna shacabka Soomaaliyeed ugu soo shaqeeyay. Waxaan alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here