Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa isbitaalka loola cararay, isaga oo baaritaan caafimaad ku maray Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer, Sabtida maanta ah.
Mas’uuliyiinta Israel aya sheegay in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay, sida uu sheegay xafiiskiisa, iyada oo aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya suurtagalnimada inuu xilka wareejiyo.
Waxaa la dhigay qolka gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka Sheba ee magaalada Tel Hashomer, sida uu sheegay TV-ga Channel 12 ee Israa’iil.
Netanyahu, oo 73 jir ah, oo ah hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa dalkaas, ayaa ka cabanaya xanuun feeraha ah, in kasta oo uu si buuxda u joogo miyirkiisu.
War kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu xaqiijiyay inuu ku sugan yahay Isbitaalka Sheba, waxaana lagu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay oo uu ku marayo qiimeyn caafimaad.
Ilaa hadda ma cadda cidda bedeli karta haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah, oo keeni karta inuu gudan waayo waajibaadkiisa.
Horraantii bishii Oktoobar, ayuu xanuunsaday xilli ay Yuhuuddu soomanayeen Yom Kippur, waxaana muddo kooban la dhigay cusbitaalka.
Israa’iil ayaa ku jirtay toddobaadkan maalmo aad u kulul.