Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xilka ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda

Wads Maxamed Cr Maxamuud

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq, waxaana wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda loo magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali halka wasiir ku xigeenka wasaaradda loo magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Halka Ra’iisul Wasaaraha oo isku baddalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta, Maxamed Aadan Macallin iyo Daaqa, iyo Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska, Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here