Ra’iisul Wasaare Rooble oo shaaciyey inuusan isu sharxi doonin Madaxtinimada DF

maxamed xuseen Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa meesha ka saaray inuu damac uga jiro xilka madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna shaaciyey inuusan is-sharxi doonin doorashada la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo. 

Rooble oo ka hadlay munaasabad ka dhacday degmada Dayniile ayaa adkeeyey ballan-qaadka xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo, wuxuuna ballan-qaaday inuu u sinnaado dhammaan musharaxiinta.

“Aniga dhankeyga ka Ra’iisal wasaare ahaan waxaan ka shaqeyn doona doorasho cadaalad ah, waxaan tusaale usoo qaadanayaa hadii aay tartamaan Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre oo musharax ah iyo madaxweyne Farmaajo iney ii siman yihiin,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

“Dan gaar ah oo aan ka leeyahay doorashadan ma jirto cid gaar ah oo aan leeyahay adigaan kuu xaglinayaan ma jirto, waa ii sinaanayaan dhamaan musharaxiinta waliba si cadaalad ah,” ayuu hadalkiisa kusii daray Rooble, oo meesha ka saaray suurta-galnimada ah inuu is-sharxo. 

Xubnahii kala duwana ee xaflad ka hadlay ayaa dhamaantood sheegay iney bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee uu qabtay Raysal wasaare Rooble sida inuu ka shaqeeyay xasiloonida Caasimada iyo inuu dalka u dhaqaaqo doorasho xor iyo xalaal ah.

Rooble ayaa dhowaan la wareegay hoggaaminta doorashada dalka, wuxuuna kadib qaaday tallaabooyin dhowr ah oo muujinaya inuu dhex-dhexaad ka yahay arrimaha doorashada, inkasta oo weli ay jiraan walaacyo laga qabo in Villa Somalia ay faro-gelin ku hayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here